Search

Barnaamijka Guulaystayaal Geeddiga Wadaay

Ma rabtaa in aad ka mid noqoto 100-ka qof ee rag iyo dumarba leh oo ganacsato ah oo nasiib fursad qaali ah u yeelan doona in ay ku guulaystaan ka qaybgalka Barnaamijka Guulaystayaal Geeddiga Wadaay, qaybtiisa maskax iyo dheqan reeb, kaasi oo noloshooda wax weyn ku soo kordhin doona, haddii Alle yidhaa, sida: magaca, sumcad, faa’iido lacageed, mahadnaq bulshada soomaalida.
Barnaamijkan qaybtiisa hore waxa ay taabanaysaa boqol qof oo ganacsadayaal ah oo imika jira, oo kala baxaya sidan: 50-qof ama qoys oo ka soo dabbaashay xaaladihii adkaa ee soo maray rubuc-qarnigii horteed, Ilaahayna ku gargaaray ganacsigooda oo maskaxdooda iyo gacantooda ku tashaday, maantana wax la taaban karo ah. 50-qof ama qoys kale oo lahaa ganacsi soo jiray muddo ilaa 35-sanno ah oo dadkii lahaa ay dhinteen, ama ay hawlgabeen, markaa dadkii ay sii dhaleen ama ehelka u ahaa ay halkii ganacsigii ka sii qaadeen, maantana dhisan oo jira oo shaqaynaya.
Barnaamijkan oo waddanka hore looga qaban mid la mid ah, isla markaana ah qaybtii labaad ee barnaamijkii ‘Qiimee Qofkaaga Qiimaha leh si aad Qiimo u Yeelato’. Barnaamijkan oo socon doona muddo 6-bilood, wuxuuna bilaabmayaa 20 November 2015 haddii Ilaahay yidhaah.
Haddaba, muwaadin haddii aad ku sifowdo sifooyinkaas iyo kuwo kale oo laguu faahfaahin doono ka qayb-qaado barnaamijkan adigoo ku soo diraya codsigaaga ka-qeyb-galka Emailkan:gul.geedigawadaay@outlook.com
Wixii macluumaad ah waxaad kala soo xidhiidhi kartaan Tel:0633865328 (Telesom) ama Tel:0659700840 (Somtel).
Waxa kale oo aad ka heli kartaa barnaamijkan oo faahfaahsan shabakadda Internet-ka hadhwanaagnews.com

Guddoomiyaha Barnaamijka Guuleystayaal Geeddiga Wadaay, Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalin




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *