Barnaamijka Deeqaha Iswaafaqsan ee Ganacsiga–wareeggii 2(t): Deeq u Furan Dumarka Ganacsiyada leh

Codsi Arji Kooban (Request for Concept Notes)

Hay’adda Development Alternatives Inc. (DAI) waxay maaraysaa mashruuc dhaqaalihiisa uu bixiyo Bangiga Adduunka oo loogu talo galay tayaynta iyo horumarinta ganacsiga soomaalida, mashruucaas oo ku baahsan dhammaan deegaanada Soomaalida. Ujeeddada dhaqaalahaa Bangiga Adduunku waa in la horemariyo lana tayeeyo ganacsiga soomaalida si ganacsiyadaasi u noqdaan kuwo faa’ido soo saara oo anfaca dhaqaalaha marka laga hadlayo muddada fog (long term) gacana uga geystaan koboca dhaqaalaha oo ka imanaya korodhka shaqo-abuurka iyo wax soo saarkaba, hawlahaas oo lagu gaadhi karo in la helo maalgelin xaddidan (fixed financing), talo-bixin ganacsi iyo mid farsamo oo la siiyo ganacsiyada iyo bangiyada oo lagu dhiiri-geliyo inay maalgeliyaan ganacsiyada.

Deeqahan dhaqaale ee yar-yar waa kuwo ku wajahan shirkadaha ganacsi ee ay dumarku leeyihiin ee dawladda ka diiwaan-gashan.

Haddaba hay’adda DAI waxay ku marti qaadaysaa ganacsiyada dumarku leeyihiin ee ku yaal Somaliland inay soo dalbadaan deeqahan iyagoo soo gudbinaya Araaji kooban (Concept Notes) ay ku sharraxayaan mashaariicda ay u baahan yihiin in loo maal-geliyo. Shirkadaha soo dalbanaya deeqahan waxay noqon karaan kuwo badeecado soo saara (manufacturing), kuwo badeecado isku habeeya (processing) ama kuwo bixiya adeegyo farsamo ama kuwo ganacsi.

Ganacsiyada la xaqiijiyo inay ka qayb-geli karaan deeqdan isla markaana dhibcahoodu yihiin boqolkiiba 80 iyo wixii ka sarreeya ayaa lagu marti qaadi doonaa inay soo gudbiyaan Araaji Tafatiran (Full Proposals) bisha Disembar 2017. Mashruuca Tayaynta iyo horumarinta ganacsiga soomaalida wuxuu rajeynayaa inuu wareeggan deeqo u fidiyo 20 ilaa 30 ganacsi oo dumarku leeyihiin oo ku yaal Somaliland.

FIIRO GAAR AH: Annagoo fikirkayaga ku salaynayna maxsuulkii nooga soo baxay wareeggii deeqdii kowaad, habkayagii qiimaynayd oo ahaa mid aad u adag iyo xaddiga miisaaniyadeed ee aannu hayno, saami aad u yar (10%) oo ka mid ah codsadayaasha ayaa deeqdan heli doona. Kuwaas oo deeqdaa loo guddoonsiin doono siday u kala sarreeyaan dhibcahooda qiimaynta kowaad iyo kuwooda qiimaynta labaad (due diligence).

Fadlan booqo mareegta http://somalibcf.com/page/8/Round-2-Somaliland si aad ula soo

Ganacsiyada danaynaya baxdo codsiga arjiga kooban oo dhamaystiran kaas oo tilmaamaya habka deeqaha loo
bixinayo iyo cidda mudan in la siiyo deeqdaa isla markaana muujinaya jaantuska arjiga
Deeqdan
kooban oo ay weheliyaan sharraxaado, wakhtiga loogu talo galay in araajidu soo xereeto iyo

qiimayn muujinaysa habka araajida loo qiimayn doono.
Wixii su’aalo ah fadlan email u somaliland.sbcf@gmail.com

soo dir ii-meelkan:

Arjiga kooban u soo dir ii- somaliland.sbcf@gmail.com

meelkan:

Taariikhda araajida kooban Axadda, 29ka Oktoobar, 2017
soo bixi doonto

Taariikhda araajida koobani Ugu dambayn 5ta galabnimo ee wakhtiga Somaliland, maalinta Khamiista ah ee taariikhdu
ku egyihiin tahay 30ka Nofembar, 2017.
Deeqo yar-yar ($10,000 – $50,000) ayaa la guddoonsiin doonaa ganacsiyada ay 100%
leeyihiin dumarka soomaalida si ay ganacsiyadu u helaan kharashka ay u baahan yihiin inay
Faahfaahinta Bixinta Deeqda ku abuuraan mashaariic cusub oo baahi loo qabo oo aan hore u hirgelin (innovative projects)
oo kordhinaya shaqo-abuurka iyo wax soo saarka gacanna ka geysanaya koboca dhaqaale

ee ganacsiyada dumarku leeyihiin. Deeqahani waa kuwo ku wajahan agabka kala duwan ee
sare u qaadi kara tayada ganacsiyada dumarku leeyihiin (sida agabka dharka lagu sameeyo,

kuwa loogu talo-galay in cuntada lagu sameeyo ama lagu kaydiyo). Deeqdan laguma soo iibsan karo waxyaabaha ganacsigu alaabta ka samayn lahaa/ku dari lahaa/ku habayn lahaa (raw materials) loomana isticmaali karo kharashaadka hawleed sida mushaharka shaqaalaha.

Ganacsiga deeqdan la guddoonsiiyaa waa inuu ugu horrayn iska sii bixiyaa kharashka ku baxaya mashruuca uu soo dalbaday, kharashkaas oo mashruuca Tayaynta iyo Horumarinta Ganacsiga Soomaalidu u soo celin doono marka ganacsigu dhamaystiro hadba hawlihii looga baahnaa sida ku xusan heshiiska deeqda isla markaana uu ganacsigu soo gudbiyo qaansheeg sax ah (authentic receipts) kuwaas oo laga hubin doono halka ay ka soo baxeen. Deeqda 10% ugu dambeeya lama sii deyn doono ilaa shirkaddu soo gudbiso warbixinta kama dambaysta ah ee ku saabsan dhammaadka mashruuca oo muujinaysa in warbixintaasi sax tahay isla markaana la soo tasdiiqiyay (certified).

Araajida kooban marka hore dib u eegis ayaa lagu samayn doonaa si loo xaqiijiyo dhamaystirnaanta arji walba loona hubiyo in araajidaasi yihiin noocii deeqdan loogu talo galay. Shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiyaan ganacsiyada soo codsanaya deeqdan waa:-
1. Inay yihiin ganacsi ama ganacsiyo gaar loo leeyahay, ama ay yihiin iskaashatooyin
faa’ida doon ah (for-profit cooperative enterprises) ayna diiwaan-gashan yihiin oo
leeyihiin laysan ganacsi;
2. Inay wareeggan hal arji oo keliya soo gudbiyan;
3. In ganacsigu yahay mid 100% ay dumar leeyihiin;
4. Inay hore uga soo shaqeeyeen mashruuca ay soo dalbadeen ugu yaraan muddo
hal sanno ah;
5. Waa inay arjiga ku muujisan tahay awoodda uu ganacsigu u leeyahay inuu
sameeyo shaqo-abuur isla markaana ay ku caddaato arjigooda hab, badeecad ama
agab cusub oo aan hore loo soo bandhigin (innovative processes and products) oo
daboolaya baahi jirta, ahna mid ay ku qancayaan maal-geliyayaashu (bankable);
Xulista iyo Shuruudaha loo 6. Waa in ganacsiga fikirkiisu yahay mid waafaqsan shuruucda u yaal ilaalinta
deegaanka oo aanu wax u dhimin deeganka;
baahan yahay in la Buuxiyo
7. Waa in ganacsigu yahay mid ku yaala goob nabadgelyo ah (oo saamaxaysa in

hay’addani soo indha-indhayn karto sida hawshu u socoto iyadoo aanay la socon
ciidamada SPU ama ciidamo kale oo dheeraad ah).
Haddii ay caddaato in ganacsigu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, arjiga waxaa eegi
doona Gudidda Qiimaynta iyagoo adeegsanaya halbeegyada iyo habka qiimaynta (oo laga
heli karo mareegta: http://somalibcf.com/page/8/Round-2-Somaliland). Araajida Kooban ee

dhibcaha qiimayntoodu ka sarrayso boqolkiiba 80 ayaa la xulayaa oo lagu wargelin doonaa
inay soo diyaariyaan Arji Tafatiran (Full Proposal).
Ganacsiyada la soo xulay waxay heli doonaan taageero farsamo (technical support) oo ku
saabsan sida loo soo qorayo arjiga tafatiran. Araajidan tafatiran waxaa qiimayn doona
Guddida Maalgelinta (Investment Committee). Ganacsiyada dhibcahoodu noqdaan
boqolkiiba 80 iyo wixii ka sarreeya ayaa noqonaya kuwa soo baxa waxayna mari doonaan
qiimayn kama dambays ah (Due Diligence Assessment) ka hor inta aan la saxeexin
heshiiska deeqeed.

Guddoonsiinta deeqda ee kama dambaysta ah waxaa lagu samayn doonaa lafa-gur
(analysis) ku qotoma arrimahan hoos ku xusan:
– Saamaynta horumarineed iyo tan koritaanka dhaqaalaha ee mashruucani yeelan karo;
– Shaqo-abuurka mashruucu keeni karo;
– Inay farsamo ahaan suurto-gal tahay in ganacsigu gaadho fikraddiisa ganacsiyeed.
Shuruudaha Lagu Salayn – In fikirka mashruucan ganacsi yahay mid la dabikhi karo (feasible) isla markaana
doono Bixinta Deeqda kharashka ku baxayaa yahay mid isu dheeli-tiran;
– Lafa-gur lagu xaqiijinayo baahida seyladeed ee loo qabo mashruuca deeqda loo
doonayo;
– Khibradda maarayneed iyo tan farsamo ee ganacsigu leeyahay; iyo
– Saamiga lacageed ee ganacsigu diyaar u yahay inuu ku kabo deeqdan maal-gelineed.
Deeqaha ku xusan halkan waxay u baahan yihiin in ganacsiga soo codsanayaa uu la
yimaaddo lacag u dhiganta 50% lacagta la siiyay (halkii doolarba uu nus doolar ku kordhiyo).

Tusaale ahaan, haddii wadarta guud ee kharashka mashruuca ama agabku yahay $15,000 waa in ganacsiga deeqda soo codsaday uu isna bixiyaa $5,000 oo uu kabo $10,000 ee ganacsigu ka heli doono mashruuca Deeqaha Tayaynta iyo Horumarinta Ganacsiga Soomaalida. Haddii si kale loo dhigo, ganacsiga deeqdan la guddoonsiiyay waxaa loo celin doonaa lacag dhan ilaa iyo 67% kharashka kaga baxay agabka uu soo iibsaday.

Saamiga ganacsigu ku kabayo maal-gelinta waa inuu ahaadaa mid ku baxaya agab, lamana oggola saamiyada uu qofku shaqo ahaan ugu darsado maal-gashigan (in-kind contributions).




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *