Barnaamijka Deeqaha Iswaafaqsan ee Ganacsiga–wareeggii 2(b): Taageero loogu Talo Galay Ganacsiyada Gaarka loo Leeyahay si loo Abuuro Qaab loogu Adkaysan karo Isbed-beddelka Cimilada

Deeqaha Tayaynta iyo Horumarinta Ganacsiga Soomaalida

Barnaamijka Deeqaha Iswaafaqsan ee Ganacsiga–wareeggii 2(b): Taageero loogu Talo Galay Ganacsiyada Gaarka loo Leeyahay si loo Abuuro Qaab loogu Adkaysan karo Isbed-beddelka Cimilada

Codsi Arji Kooban (Request for Concept Notes)

Hay’adda Development Alternatives Inc. (DAI) waxay maaraysaa mashruuc dhaqaalihiisa uu bixiyo Bangiga Adduunka oo loogu talo galay Tayaynta iyo horumarinta ganacsiga soomaalida, mashruucaas oo ku baahsan dhammaan deegaanada Soomaalida. Ujeeddada dhaqaalahaa Bangiga Adduunku waa in la horemariyo lana tayeeyo ganacsiga soomaalida si ganacsiyadaasi u noqdaan kuwo faa’ido soo saara oo anfaca dhaqaalaha marka laga hadlayo muddada fog (long term) gacana uga geystaan koboca dhaqaalaha oo ka imanaya korodhka shaqo-abuurka iyo wax soo saarkaba, hawlahaas oo lagu gaadhi karo in la helo maalgelin xaddidan (fixed financing), talo-bixin ganacsi iyo mid farsamo oo la siiyo ganacsiyada iyo bangiyada oo lagu dhiiri-geliyo inay maalgeliyaan ganacsiyada.

Taageerada dhaqaale ee wareeggan waa mid loogu talo-galay in lagu caawiyo mashaariicda sare u qaadaya aqoonta iyo xirfadda ganacsiyada (capacity building) si ganacsiyadaasi u noqdaan kuwo ka shaqeeya – gacanna ka geysan kara – in la helo hab saamaxaya in dadku noqdaan kuwo u adkaysan kara isbeddelada cimilada (sida abaaraha oo kale).

Haddaba qaybta deeqda tayaynta iyo horumarinta ganacsiga soomaalida waxay ku marti qaadaysaa ganacsiyada Somaliland inay soo codsadaan deeqdan iyagoo soo gudbinaya Araaji kooban (Concept Notes). Araajida kooban ee la xaqiijiyay inay ka qayb-geli karaan deeqdan isla markaana dhibcahoodu yihiin boqolkiiba 80 iyo wixii ka sarreeya ayaa lagu marti qaadi doonaa inay soo gudbiyaan Araaji Tafatiran (Full Proposals) bisha Disembar 2017. Waxaa lagu talo jiraa in wareeggan la bixiyo ilaa 20 deeqood.

FIIRO GAAR AH: Annagoo fikirkayaga ku salaynayna maxsuulkii nooga soo baxay wareeggii deeqdii kowaad, habkayagii qiimaynayd oo ahaa mid aad u adag iyo xaddiga miisaaniyadeed ee aannu hayno, saami aad u yar (10%) oo ka mid ah codsadayaasha ayaa deeqdan heli doona. Kuwaas oo deeqdaa loo guddoonsiin doono sida ay u kala sarreeyaan dhibcahooda qiimaynta kowaad iyo kuwooda qiimaynta labaad (due diligence).

Fadlan booqo mareegta http://somalibcf.com/page/8/Round-2-Somaliland si aad ula soo baxdo

Ganacsiyada Danaynaya codsiga arjiga kooban oo dhamaystiran kaas oo tilmaamaya habka deeqaha loo bixinayo iyo cidda
mudan in la siiyo deeqdaa isla markaana muujinaya jaantuska arjiga kooban oo ay weheliyaan
Deeqdan
sharraxaado, wakhtiga loogu talo galay in araajidu soo xereeto iyo qiimayn muujinaysa habka

araajida loo qiimayn doono.

Wixii su’aalo ah fadlan ku somaliland.sbcf@gmail.com

soo dir ii-meelkan:
Arjiga kooban u soo dir ii- somaliland.sbcf@gmail.com

meelkan :

Taariikhda araajida kooban Axadda, 29ka Oktoobar, 2017
soo bixi doonto

Taariikhda araajida koobani Wakhtiga: Ugu dambayn 5ta galabnimo ee wakhtiga Somaliland, maalinta Khamiista ah ee
ku egyihiin taariikhdu tahay 30ka Nofembar, 2017.
Deeqo iswaafaqsan – (ugu yaraan $50,001 ilaa iyo ugu badnaan $150,000) ayaa la guddoonsiin
Faahfaahinta Bixinta Deeqda doonaa ganacsiyada soomaalida si loo tageero mashaariicda ganacsiyeed ee waaweyn ee keeni
kara hab-ganacsiyeed cusub oo aan hore loo aqoon (innovative) oo xal u noqon kara in wax laga

qabto xaaladaha abaaraha ee soo noq-noqday hadday ahaan lahayd muddada dhexe iyo

muddada fogba.

Tusaale ahaan:

Samaynta iyo iibinta agab loogu talo galay inuu qabto biyaha roobka ee guryaha magaalooyinka ku yaala sida majarooro (roof gutters) qabanaya biyaha roobka oo ku xidhan haanta biyaha (water tank).

Agab biyaha qaybiya, kaydiya ama dhawra oo loogu talo galay beeralayda.

Tamarta cusub (alternative energy) – sida tamarta dabaysha, qalabka tamarta ka dhaliya qorraxda, qalabka ku shaqeeya habka lugo-ku-riixa (pedal power operated equipment) ee kicin kara mashiinada waraabka beeraha ama mid korontada dhalin kara iwm.

Mashaariic ganacsi oo tijaabo ah oo ku saabsan habka loo yaqaano waraabin dhibceedka (drip irrigation) iyo cagaaraynta (greenhouses) iyo waxyaabaha kale ee la xidhiidha xeeladaha biyo-kaydiska loogu talo-galay beeraha.

Mashaariic tijaabo oo ku saabsan noocyada dalagga u adkaysta abaarta oo lagu beerayo beeraha ganacsiga.

Mashaariic tijaabo ah oo lagu xakamaynayo daaqa laguna kordhinayo wax soo saarka cuntada xoolaha oo ay wadaan ganacsatada xooluhu.

Iyo qalabka lagu kaydiyo midhaha beeraha ka soo go’a laguna yareeyo khasaaraha soo gaadhi kara midhahaa marka la soo gooyo ka dib.

Ganacsiyada tafaariiqda wax ku iibiya iyo beeraha aan ganacsiga ku salaysnayn waxay u badan
yihiin inaanay deeqdan waxba ka helin. Wareeggan waxaanu ahmiyadda siinaynaa shirkadaha
soo saara ama keena qalab (agab) manfac weyn yeelan kara saamayn weynna keeni kara.
Deeqdan kuma bixin doonno ceelal la qado, in silig ama deyr lagu wareejiyo meel ama wixii
hagaajin ah ee la xidhiidha beeraha yar-yar ee aan ganacsiga ahayn.
Araajida kooban marka hore dib u eegis ayaa lagu samayn doonaa si loo xaqiijiyo
dhamaystirnaanta arji walba loona hubiyo in araajidaasi yihiin noocii deeqdan loogu talo galay.
Shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiyaan ganacsiyada soo codsanaya deeqdan waa:-
Inay yihiin ganacsi ama ganacsiyo gaar loo leeyahay, ama ay yihiin iskaashatooyin faa’ida
doon ah (for-profit cooperative enterprises) ayna diiwaan-gashan yihiin oo leeyihiin laysan
ganacsi;
Inay ugu yaraan sannad ka shaqaynayeen mashruuca ay soo codsadeen
Inay hal arji oo keliya soo gudbiyaan wareeggan.
Waa in arjiga koobani muujiyaa awoodda uu ganacsigu u leeyahay inuu wax ka qaban karo
xaaladaha abaaraha shaqo-abuurna samayn karo isla markaana waa inay arjiga ku
caddahay hab, badeecad ama agab cusub oo aan hore loo aqoon (innovative processes
and products) oo daboolaya baahi jirta waana in habkaas iyo agabkaasi noqdaan kuwo ay
Xulista iyo Shuruudaha loo ku qanci karaan maal-geliyayaashu (bankable);
Waa in ganacsiga fikirkiisu yahay mid waafaqsan shuruucda deegaanka oo aanu wax u
baahan yahay in la Buuxiyo dhimin deeganka;
Waa in ganacsigu yahay mid ku yaala goob nabadgelyo ah (oo saamaxaysa in hay’addani
soo indha-indhayn karto sida hawshu u socoto iyadoo aanay la socon ciidamada SPU ama
ciidamo kale oo dheeraad ah).
Haddii ay caddaato in ganacsigu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, arjiga waxaa eegi doona
Gudidda Qiimaynta iyagoo adeegsanaya halbeegyada iyo habka qiimaynta (oo laga heli karo
mareegta: http://somalibcf.com/page/8/Round-2-Somaliland). Araajida Kooban ee dhibcaha

qiimayntoodu ka sarrayso boqolkiiba 80 ayaa la xulayaa oo lagu wargelin doonaa inay soo
diyaariyaan Arji Tafatiran (Full Proposal).
Ganacsiyada la soo xulay waxay heli doonaan taageero farsamo (technical support) oo ku
saabsan habka loo soo qorayo arjiga tafatiran. Araajidan tafatiran waxaa qiimayn doona Guddida
Maalgelinta (Investment Committee). Ganacsiyada dhibcahoodu noqdaan boqolkiiba 80 iyo wixii
ka sarreeya ayaa noqon doona kuwa soo baxa waxayna mari doonaan qiimayn kama dambays ah
(Due Diligence Assessment) ka hor inta aan la saxeexin heshiiska deeqeed.

Shuruudaha Lagu Salayn doono Bixinta Deeqda

Guddoonsiinta deeqda ee kama dambaysta ah waxaa lagu samayn doonaa lafa-gur (analysis) ku qotoma arrimahan hoos ku xusan:

– Sida mashruuca ganacsiga ee la soo codsaday uu u dhawrayo deegaanka;

– Saamaynta horumarineed iyo tan kobaca dhaqaaleed ee mashruucu yeelan karo;
– Shaqo-abuurka mashruucani keeni karo;
– Inay farsamo ahaan suurto-gal tahay in ganacsigu gaadho fikraddiisa ganacsiyeed;

– In fikirka mashruucan ganacsi yahay mid la dabikhi karo (feasible) isla markaana kharashka ku baxayaa yahay mid isu dheeli-tiran;
– Lafa-gur lagu xaqiijinayo baahida seyladeed ee loo qabo mashruuca deeqda loo doonayo;
– Khibradda maarayneed iyo tan farsamo ee ganacsiga leeyahay; iyo

– Saamiga lacageed ee ganacsigu diyaar u yahay inuu ku kabo (contribution amount) deeqdan maal-gelineed.

Deeqaha ku xusan halkan waa kuwo u baahan in qofka soo codsanayaa la yimaaddo lacag u dhiganta 100% lacagta la siiyay (halkii doolarba uu hal doolar ku kordhiyo). Haddii wadarta guud

ee kharashka mashruucu tahay $100,002 oo ganacsigu ka helo mashruuca Deeqaha Tayaynta iyo Horumarinta Ganacsiga Soomaalida lacag dhan $50,001, waa inuu ganacsigu isna bixiyaa $50,001. Xaddigani waa inta ugu yar ee loo baahan yahay in ganacsigu ku darsado maal-gelinta la siinayo, haddiise ganacsigu ku talo jiro inuu intaa ka badan ku darsado maal-gashiga waa arrin aad u wanaagsan.

Ganacsiga deeqdan la guddoonsiiyaa waa inuu ugu horrayn iska sii bixiyaa kharashka ku baxaya mashruuca uu soo dalbaday in loo maal-geliyo, kharashkaas oo mashruuca Tayaynta iyo Horumarinta Ganacsiga Soomaalidu u soo celin doono marka ganacsigu dhamaystiro hadba hawlihii looga baahnaa sida ku xusan heshiiska deeqda isla markaana uu ganacsigu soo gudbiyo qaansheeg sax ah (authentic receipts) kuwaas oo laga hubin doono halka ay ka soo baxeen.

Saamiga ganacsigu ku kabayo deeqda maal-gelineed waa inuu ahaadaa mid ku baxaya agab, lamana oggola saamiyada uu qofku shaqo ahaan ugu darsado maal-gashigan (in-kind contributions).




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *