Bangi Dhexe Oo Magac-U-Yaal Ah, Ma Lihinbaa Dhaanta! – Cabdiraxmaan Cadami

Laga soo bilaabo markii xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo talada dalka la wareegtay waxa marba marka ka dambeeya sii qiima dhacayey Shilling-ka Somaliland waxaana kor u sii kacayey sixirka alaabada gaar ahaan kuwa daruuriga ah oo ganacsatadu qiimahooda ku sar-goyso ama ku iibiso doolarka Maraykanka.
Masuuliyiinta qaranka ma dhibto dhibaatada iyo xanuunka sixir bararku ku hayo bulshada hase ahaate marka qayladu dami waydo waxa la magacaaba guddi wax ka qabata cashada dadweynaha iyo qiimaha Shilling-ka kor loo qaado baahida doolarkana la yareeyo.
Adhig shugux-shugux kama ilbaxo, mudo ka dib hadana waxa la magacaaba guddiyo kale. Qaybaha bulshada ee saamaynta ku leh qiimaha Shilling-ka iyo lacagaha kala-ba waxay si niyad sami u so dhaweeyeen kuna balan qaadeen inay dhankooda xukuumada wax kala qaban doonaan xal u helida sarif bararka keenay sixir bararka laakiin dadaalkoodii waxa badhi-furay oo aan daacad ka ahayn madaxda qaranka iyo hay’addaha dalwada iyaga ayaana sababa u ah qiima dhaca Shilling-ka Somaliland (Government sponsored inflation). Tusaale ahaan wasaaradda maaliyada iyo dawladaha hoose waxay cashuuraha qaarkood ku qaadaan doolarka Maraykanka, lagaa yeeli maayo in aad ku bixiso Shilling-ka Somaliland waxa kale oo suuqyada sarifka lagu soo daabula jawaano ka buuxa Shilling-ka Somaliland oo madaxda qaranka loogu badalo lacagaha adag; guddiyada la sheegana waxa loogu talo galay in bulshada lagu maaweeliyo ama ay run moodaa in wax loo soo wado.
Si kastaba ha ahaate in kasta oo Bangiga Dhexe qayb ka yahay ‘system’ fadhiid ah oo musuq-maasuq ragaadiyey iyo xukuumad aan u xil qabin dadkeeda hadana waxa looga fadhiya inuu guto ugu yaraan qaar ka mid ah hawlihii Bangi Dhexe lahaan jiray oo ah:
Inuu ilaaliyo sarifka lacagaha qalaad (Foreign exchange rate) si aan sarif barar u dhicin. Bangiga Dhexe waa inuu bangiyada iyo xawaaladaha dalka ka furan ka hayaa lacag damaanad ah oo hantidiisa u dhiganta 25% si loo ilaaliyo lacagta muwaadiniintu dhigato haddii uu musalafo. Waxa kale hawlihiisa ka mid ah hubinta iyo u kala wareejinta jeegaga bangiyada kala duwan ee dalka ka hawl gala (Clearing house).
Bangiga Dhexe wuxuu xukuma bangiyada iyo hay’adaha lacagta ka shaqeeya oo dhan, wuxuu awood u leeyahay inuu hubiyo in ay si hufan oo shuruucda waafaqsan u shaqaynayaan iyo in kale xataa wuxuu awood u leeyahay in uu u diro hanti dhawar baadha xisaabaadkooda haddii laga shakiyo in hawlahooda mad-madaw ku jiro.

Hadaba waxa aynu ognahay in Bangiga Dhexe ee Somaliland ka gaabiyey ama haba yaraatee aanu waxba ka gudan hawlihii qaranku u igmaday, kaliya wuxuu qabta ama lagu soo uruuriya lacagaha cashuuraha dawladu qaado marka bishu dhamaatana lagala baxo si loogu bixiyo mushaharka shaqaalaha, ciidamada iyo kharashaadka dawladu gasho, sidaa awgeed miyaan la odhan karin Bangiga Dhexe Somaliland waa magac-u-yaal oo ma lihinbaa dhaanta.
Ugu dambayn waxa aan akhristayaasha u soo jeedinaya in dadweynaha ka caawiyaan jawaabaha labadan su’aalood oo qof kastaba goonidiisa isku waydiiyo oo kala ah:
1. Dadku maxay lacagta adag u dhigtaan xawaalad ama Bangi qof leeyahay oo aan damiinba lahayn oo loo aamini waayey Bangiga dawlada?
2. Haddii Bangiga Dhexe ee Somaliland shaqadiisii gabay, maxaa looga bahan yahay in masuuliyiin sar sare loo magacaabo ama shaqaale 420 kor u dhaafay?
Qalinka:
Cabdiraxmaan Cadami
abdirahmanadami22@gmail.com
Hargeysa, Somaliland




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *