Bandow Lagu Rogey Kismaayo Iyo Raysal Wasaare Saacid Oo Kusoo Wajahan.

Kismaayo (Foore)-Ciidamada amaanka magaalada Kismaayo ayaa maanta bandow ku rogey xaafadaha magaalada Kismaayo.
Bandowgaan oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqii ganacsiga, gaadiidka iyo dadweynaha ayaa lagu sheegay in lagu adkeynayo amaanka magaalada oo la filayo in berito uu soo gaadho wafti uu hogaaminyo raysal wasaaraha dowladda federalka C/ Faarax Shirdoon ( Saacid).
Ciidamada soo rogey bandowgan oo ka amar qaata gudoomiyaha kmg ah Axmed Madoobe ayaa si adag isha ugu hayaan dhaq dhaqaaqa magaalada.
Warsaxafadeed uu gor dhaweyd soo saray reysal wasaaraha Soomaaliya ayuu ku sheegay inuu u diyaar u yahay booqashada Kismaayo.
Reysal wasaaraha wuxuu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay muhiimada ugu weyn ee uu u booqanayo gobolada Soomaaliya in ay tahay dhageysiga dadka iyo hogaamiyashooda.Waxaana uu balan qaaday in dowladdu caawinayso maamulada maxaliga ah ee kajira Soomaaliya .
Waa gobol 6aad ee reysalwsaaraha Soomaaliya uu booqnayo tan iyo markii loo magacabaay xilka reysalwasaarenimo




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *