BREAKING NEWS
Search

Banaan bixii u weynaa ee lagu taageerayo qadiyadda Somaliland oo ka dhacay xafiiska R/wasaaraha Britain & M/Wayne Siilaanyo oo ka qayb galay

London (Foore)- Kumanaan ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo kuwo ka yimid Wadamada la jaarka ah UK. ayaa maanta ka dhigay banaan bax balaadhan xafiiska ra’isal wasaaraha Biritayn David Camaron ee Down Street ee Magaalada London. oo ay ku muujinayaan sida aanay gorgortan u gali Karin qadiyada madax bannaanida Somaliland iyo sida ay badheedhahooda ugu gudbin lahaayeen Shirka beri ka furmi doona magaalada London.

C/laahi Faarax Ciise iyo Fu’aad Maxamed Aw Cali oo ka mid ah banaan baxayaasha oo khadka telefoonka noogu waramay iyagoo ku sugan fagaaraha Down Street ayaa sheegay in marba marka ka danbaysa ay soo kordhayaan dadka ka qayb qaadanaya banaan baxan waxaanay xuseen in ay Jaaliyaduhu aad u abaabulan yihiin isla markaana ay sitaan boodhadh ay ku xardhan yihiin halku dhigyo ka turjumaya xaqa ay ummada Somaliland u leedahay inay dunnida inteed kale ka hesho aqoonsiga ay mudada labaatanka sanno ah baadi goobkiisa ku jirtay.

Geesta kale banaanbax kan la mida ayaa ka dhacay magaalada danhag ee dalka Holland oo ay isagu kumanaan ka mida jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi ay iskugu soo baxeen, waxaanay banaan baxeyaashaasi socod ku tageen wasaarad arrimaha dibada ee Holland iyo safaarada ingiiriisku ku leeyahay dalkaasi siday saxaafadda u xaqiijiyeen Foosiya Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo mida jaaliyada Somaliland ee ka qayb qaadanaya banaanbaxaasi ayaa sheegay in safaarada Britain iyo wasaarada khaarijiga Holand in ay u gudbiyeen qoraalo ka waramaya in qadiyada madax-banaanida Somaliland ee ay ka sugayso beesha caalamka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu markii uu maanta mudaharaadku ka dhacayay 10 down Street uu kulan kula yeeshay xafiiskiisa Raysal wasaaraha Britain David Camaron.

waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay kulan la yeesheen Wasiirrada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Britain, kuwaasi oo ay ka wada hadleen cilaaqaadka ka dhaxeeya labada qaran iyo arrimo la xidhidha shirka London.

sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka furay magaaladda London urur cusub oo la yidhaahdo ururka iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo ay ku jiraan aqoon yahano u dhashay Britain oo ka mid ah saaxiibadda Somaliland iyo jaaliyadda Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *