Search

Bam Gacmeed Lagu Weeraray Saldhig Ciidamada Dowladda Somaliya Ay Ku Leeyihiin Magaalada Baladweyne

Baladweyne (Foore)- Wararka Ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Bam Gacmeed Xalay Lagu weeraray Fadhiisimo Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Goob Joogayaal Ku sugan Galbeedka Magaalada Baladweyne ayaa warbaahinta u sheegay in Fadhiisin Ciidanka Dowladda ah ay kuleeyihiin Galbeedka Baladweyne Bam Gacmeed Lagu weeraray kaasi oo geystay Khasaaro isugu Jira dhimasho iyo Dhawaac inkastoo aan si Rasmi ah Loo Ogeyn khasaaraha Kadhashay Qarax Xalay Lagu weeraray Fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Galbeedka Baladweyne.

Qaraxa Kadib ayaa Ciidanka Dowladda waxa ay Fureen Rasaas inkastoo aysan Jirin Cid wax ku noqotay Rasaasta ay Fureen Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Saraakiil Ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobolka hiiraan oo Lahadlay warbaahinta somaliya ayaa sheegay in Bam Xalay Lagu weeraray Fadhiisin Ciidanaka dowladda ay ku leeyihiin Galbeedka Magaalada Baladweyne iyagoona Carabka ku dhuftay in Saacacadaha soo socda ay faah faahin ka bixinayaan Bamka Xalay Lagu weeraray Galbeedka Baladweyne kadib Markii uu soo Gaba Gaboobay Howl Gallo Ciidanka dowladda Saaka kasameeyeen Xaafadda Howl Wadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *