BREAKING NEWS
Search

Badhasaabka Sool Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Baabuur Ciidanka Qaranku Leeyahay Oo Gadoomay

Laascaanood (Foore)- Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud (Jeeniyare) ayaa ka hadlay khasaare ka dhashay gaadhi waaraad ah oo ciidanka qaranka ee Laascanood u siday xaabo oo shalay ku qalibmay agagaarka tuuladda Adhi-cadeeye oo 30Km u jirta magaalada Laascaanood.

Badhasaabka Sool oo aanu caawa khadka Telefoonka, waxa uu sheegay in gaadhigaasi qalibmay ay ku dhinteen laba askari oo midi yahay ciidanka qaranka midna ka tirsan yahay Booliska Adhi-cadeeye oo uu dhexda ka sii raacay baabuurkaasi.
Badhasaabku waxa uu tafaasiil ka bixiyay khasaarihii ka dhashay gaadhigaasi gadoomay, waxaanu yidhi “Baabuurkan oo ah nooca waaraadka ah waxa uu xaabo u siday ciidanka qaranka ee jiida laascaanood, waxa uu ku qalibmay 11:00 duhurnimo ee maanta meel u dhow tuuladda adhi-cadeeye, waxaana markiiba halkaasi ku qudh-baxay oo ku dhintay askari booliska Adhi-cadeeye ka tirsanaa oo dhexda ka sii raacay una sii jeeday laascaanood. Waxa kale oo ku dhaawacmay sagaal askari oo ciidanka qaranka ah oo mid ka mid ahi uu ku dhintay cisbitaalka Laascaanood markii la keenay.”

“Sideedii askari ee kale dhaawacmay waxa loo qaaday oo lagu dawaynayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Run ahaantii waxa askartaas qaarkood dhaawacyadoodu aad ayay u cuslaayeen,”ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Sool Mr. Jeeni-yare.

Badhasaabku waxa uu dhambaalo tacsi ah u diray qoysaskii labada askari ee geeriyooday oo uu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo. Waxa kale oo uu askarta dhaawacantay eebe uga baryay inuu shaafiyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *