Badhasaabka Sanaag oo soo Af-jaray shaqaaqo ka dhacday deegaanka Dogoble ee degmada Ceel af-weyn

Ceerigaabo (Foore)- Badhasaabka Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal, ayaa maanta soo af-jaray shaqaaqo iyo muran dhinaca biyaha ah oo u dhaxeeyay laba beelood oo wada dega tuuladda Dogoble oo 75km dhinaca koonfureed ka xigta degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Badhasaabka Sanaag iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay oo ay ku jiraan Taliyeyaasha ciidammadda Gobolka Sanaag sida Booliska, Asluubta ciidamada ilaalada xeebaha, milatariga iyo Guddoomiyaha degmada Ceel afweyn waxay kulamo la yeesheen cuqaasha, waxgaradka iyo odayaasha laba beelood oo deegaankaasi wada dega kuwaasi oo ku muransanaa baraagaha biyaha iyo degsiimada.

Kulankaasi ka dib waxa la isku waafaqay heshiis ka kooban dhawr qodob oo uu kulankaasi kaga dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamada racfaanka gobolka Sanaag Xuseen Aw Diiriye Maxamed, kaasi oo u dhignaa sidan:-
1-Inaan dhuxulaaley laga yagleeli Karin wax magaalo ah.
2-In Tuulada Dogoble iyo dhuxulaaley loo siman yahay oo labada beeloodba wada cabi karaan.
3- In Deegaanka Dogoble loo siman yahay oo la wada degi karo.
4-In deegaanka Dogoble loo sameeyo maamul loo dhan yahay.
5- In wixii dhib ah cidii geysatay ay qabto.”

Badhasaabka Gobolka Sanaag Aan Diiriye Cigaal oo gabo-gabadii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay soo afjaraan shaqaaqo yar oo ka dhacday tuulada Dogoble, waxaanu odayaasha labada ardaa ku bogaadiyay siday u aqbaleen go’aankaasi maamulka gobolku ku doonayo inay ku soo afjaraan muran ka taagnaa jiidaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *