BREAKING NEWS
Search

Badhasaabka Gabiley Oo FOORE Uga Waramay Khilaaf Ka Aloosan Badelidda Maamulka Wajaale

“W/Ku Xigeenka Amniga Shaqadiisa Maaha Dawladaha Hoose,Waa Khalad Dhacay,Waananu Isla Fahamnay Arintaasi,Oo Way Dhamaatay”. Mustafe Shiine

Hargeysa (Foore) – Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise ayaa ka hadlay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland oo Degmada Wajaale Tagay Maalintii Khamiistii ee Daraad,kuwaasi oo isku dayay inay xilka ukala wareejiyaan Gudoomiyihii hore ee Degmada Wajaale oo dhawaan Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade xilkii ka qaaday iyo masuul Cusub oo wasiirku u magacaabay inuu booskaasi buuxiyo,kuwaasi oo la sheegay inay ku soo hungoobeen inay hawshaasi u fusho.
Wariye Wargeyska Foore ka tirsan oo Badhasaabka arintaasi wax ka weydiiyay,kulana xidhiidhay Khadka telefoonka markii arintaasi soo gaadhay Xafiiska Foore ayaa uu u xaqiijiyay inay arintaasi jirto,waxa uu sheegay inuu isaguba ku war helay markii ay Waftigaasi tageen Wajaale,waxa uu sheegay Badhasaabku in khalad jiro laakiin ay isla saxeen khaladkaasi dhacay,waxaana uu sheegay inay arintaasi tahay shaqadiisa,oo aanu ka ogalaanayn in cidi soo faro galiso,waxa uu uu ku eedeeyay Wasiir ku xigeenka Amniga ee Cusub Maxamed Muuse Abees inuu faraha la galay arimo aan shaqadiisa ahayn,waxa uu carabka ku adkeeyay inaanay Dawladaha Hoose shaqadiisa ahayn,xaqna aanu u lahayn inuu Xilka ukala wareejiyo Masuuliyiinta Wajaale isagoon kala tashan masuuliyiinta ay arintaasi khusayso ee shaqadaasi u edman.
Badhasaabka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise oo arintaasi Wargeysa Foore uga waramay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Haa way jirtaa oo waxaa Magaalada Wajaale Tagay Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha,maan ogayn oo mar dambe ayaa la iisoo sheegay oo waan la hadlay,Arintaasi waanu ka heshiinay,waxaananu isla garanay in Xilwareejintu dhacdo Sabtida(Maanta),aniga waxa la ii sheegay in Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye iyo wafti uu hogaaminayaa inay joogaan Wajaale oo ay u tageen arinta Xil wareejinta,waan la hadlay,wixii khalad ah ee Dhacayna waanu ka wada hadalnay waananu isla qaadanay”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Waa run oo Wasaaradda Arimaha Gudaha Line-Minister ayaan u nahay oo wada shaqayn ayaa naga dhexaysa,laakiin Wasiir Ku Xigeenka Amniga Shaqadiisii maaha arimaha dawladaha Hoose,waana khalad ka dhacay laakiin hadda waanu isla qaadanay wixii dhacay,aniga ayaa xilkaasi ukala wareejinaya oo tagaya Sabtida,waana qorshe aan hore u sii dejiyay”.
Maamulka Degmada Wajaale ayaa mudooyinkii u dambeeyay khilaaf weyn ka taagnaa kadib markii uu diiday inuu xilka wareejiyo Gudoomiyaha Degmadaasi oo Wasiirka Arimaha Guduhu xilka ka qaaday,waxa dhawaan Degmadaasi tagay Xayn wasiiro ah oo laga soo magacaabay Gobolka Gabiley, waxaanay shirar la soo galeen Odayada iyo waxgaradka Degmadaasi,kuwaasi oo cabasho ka muujiyay Maaamulka Degmaasi joogay oo ay ku sheegeen inaanay ahayn kuwo u bisil inay wax qabad ka hirgaliyaan Degmadaasi waxa ay ka cawdeen Gudoomiyaha Degmadaasi ee xilka laga qaaday oo ay ku sheegeen inuu yahay nin qurbaha ka soo noqday oo aan aqoon dheer u lahayn Hawlaha dawladaha hoose iyo Deegaanka uu maamulayo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *