BREAKING NEWS
Search

Badhasaabka Boorama Oo Waalidiinta Ugu Baaqay Haddii Ay Ubadkooda Qabsan Waayaan Xabsiyada Ku Guri Doono

Boorama(FOORE)- Badhasaabka gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ammaan ee magaalada Boorama oo khaati ka taagan dhalinyaro rabshado ka samaysa. Waxa uu sheegay inuu ciidanka hor qaadi doono, isagoo Waalidka u sheegay inaanay Xabsiga ugu iman marka la xidho dhalinyaradaasi.

Mudane Ramaax oo ka hadlayay munaasibad Boorama lagu qabtay waxa uu sheegay inay dhalinyaradu ku kacdo kufsi iyo dhaawacyo ay dadka u gaysato “Xeer ilaaliyihii, guddoomiyihii maxakamadda rafcaanka, xildhibaannadii, taliyaha qaybta booliska, masuuliyiinta kale iyo booliska, waxaan leeyahay ciyaalkeenii magaalada rabash badan buu ku soo kordhiyay” ayuu yidhi badhasaabku.

Mudane Ramaax waxa uu ku hanjabay inuu talaabo adag ka qaadi doono dhalinyarada “Talaabo adag baan ka qaadaynaa, caawa laga bilaabo booliska kuma aaminayo oo Wallaahiya,kuma aaminayo ee anigaa hubinaya, anigaana talaabo adag ka qaadaya”

Guddoomiyaha Awdal, waxa uu farriin u diray Waalidiinta caruurta dhalay “Waxa weeye nin walowba caruurtaada qabso, waxa weeye ha iila imanina iskuul baa ka habsaamaya, talaabo adag baanu ka qaadaynaa kama dulqaadanayno runtii, taliyaha qaybtu waa kaas I maqlaya ee wallaahi anigaa ciidanka kaxaysanaya, mar dambe ma dhacayso in la yidhaa inan yar baa halkan lagu kufsaday iyo nin baa la tooriyeeyay. Xalay oo u dambeysay wixii magaalada ka dhacay waad arkayseen, talaabo adag baanu ka qaadaynaa ee nin wallow caruurtaada ku haysa gurigaaga,” ayuu yidhi Ramaax.

Magaalada Boorama ayuu badhasaabku sheegay inay saamayn ku yeesheen dhalinyaro is baacsanaya, sidoo kalena dhibaato u gaysanaya dadka, gaar ahaana dumarka kula kacaya Kufsi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *