BREAKING NEWS
Search

Badhasaabk Awdal Oo Soo Bandhigay Hindise Lagu Dhisayo Madaarka Boorama

Hargeysa (Foore)-Badhasaabka Gobolka Awdal Mud. Cabdoo Axmed Aayar ayaa goob fagaare ah ka sheegay inuu si aad ah ugu hanwayn yahay dhismaha garoonka diyaaradaha ee Boorama ee Boorama hadii eebe idmo, waxana uu carabka ku dhuftay hindise iskaashi u baahan oo lagu dhisayo garoonkaasi.

Badhasaab Cabdoo oo arintan ka hadalayay ayaa waxa uu yidhi “ Waxa igu badan hadalada la xidhiidha dhismaha garoonka, waxana aan sheegayaa inay muhiim ii tahay in la dhiso garoonka diyaaradaha ee Boorama hadii eebe idmo, hawshaasi ma aha mid sahlan, waxana aan la kaashan doonaa Wasaarada Duulista iyo Hawada ee shaqada ku leh, inshalaah sida aan ku wada hadalnay waxa aan rajaynayaa in Madaarku noqon doono mid dhisma oo taaba gala oo laga soo dago.

Badhsaab Caboo waxa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay in la sugo xuduudaha Garoonka waxana uu yidhi “ Waxa aan rajaynaa waxgaradka iyo cuqaasha iyo indheergaradka reer Boorama in laga qayb qaato sugida xuduuda Madaarka, waayo dad badan ayaa ku soo dhawaaday, dad badan ayaa guryo ka dhitay, waxa aan jecelahay in si wada jir ah looga wada hawl galo, si loo sugo oo uu noqdo madaarku meel la isticmaali karo.

Aniga oo ugu bishaaraynaya bulshada in inshalaah Madaarka laga soo dagi doono inta ka horaysa Xagaaga, balse waa hubaal inuu u baahan yahay in la sugo xuduudihiisa, waxana aan hawshaasi sugida xuduuda la kaashan doonaa Xildhibaanada Golaha Degaanka iyo cuqaasha.

Sidan waxa uu badhasaab Cabdoo Axmed Aayar ka sheegay mar uu ka hadlayay madal loogu wan-qalayay Dabdamis cusub oo ay Boorama yeelatay waxana isaga oo ka hadalay ahmiyada dabdamiska uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in magaalo ay yeelato dabdamis si looga nabad galo masiibooyinka dabka.

Badhsaaab Cabdoo waxa kale oo uu qiray in wax badan ay ka dhiman yihiin dabdamiska la keenay waxana uu yidhi “Maashaa’alah waan haysanaa maanta Dabsamis, balse waxa hubaal ah inay kaabayaal badani maqan yihiin kuwaas oo ay ka mid yihiin in la tababaro shaqaalaha ka hawl gali doona oo u baahan in lagu carbiyo sidii ay HEEGAN u ahaan lahaayeen 24ka saac, taasi iyo waxii kale ee kaabayaal ah ee uu u baahan yahay dabdamiskani waan ka hawl gali doonaa anaga oo isku duuban waxana aan yeelan doonaa kulano kale oo aan arrintan ugu gogol Xaadhayno.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *