Search

Baaritaano Lagu Sameenayo Meydka Ninkii Ka Dambeeyay Weerarkii Lagu Qaaday Hotelka Jaziira (Warbixin).

Muqdisho(Foore) – Waxaa socda baaritaano lagu ogaanayo shaqsiyada ruuxii shalay ka dambeeyay weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee lagu qaaday Dhismaha Hotelka Jaziira ee kuyaala Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Ruux watay gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dambeeyay weerarkii shalay galab lagu qaaday dhismaha Hotelka Jaziira, waxaana durba masuuliyada weerarkaasi si aan ganbad laheyn u sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

Saraakiil isugu jira Soomaali iyo ajaaniib ayaa baaritaano ku sameenaya qeybo kamid ah hilbaha ninka la tuhmayo in uu ka dambeeyay Weerarkii lagu qaaday Hotelka Jaziira, waxaana hilbaha ninkaasi laga qaaday dhiicaanka DNA si loo aqoonsado.

Hay’adaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin shaqsiyada ruuxii ka dambeeyay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Jaziira, waxaana soo baxaya warar aan la hubin oo sheegaya in Weerarkaasi uu ka dambeeyay Ruux Soomaali ah oo heesta dhalashada mid kamid ah Wadamada Yurub.

Weerarka lagu qaaday Hotelka Jaziira ayaa ahaa mid aad u xoog badnaa oo loo adeegsaday gaari nuuca waa weyn ee xamuulka qaada oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana weerarkaasi ku dhintay dad kor u dhaafaya 15-qof oo rayid u badnaa.

Weeraro ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolka Dalka ayaa waxa fuliyay dad Soomaali ah oo ka yimid qaar kamid ah Wadamada Yurub ,waxaana weerarka lagu qaaday Hotelka Jaziira la tuhmayaa in uu ka dambeeyay shaqsi Soomaali ah oo heestay dhalashada mid kamid ah Wadamada Yurub.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *