BREAKING NEWS
Search

Australia Oo Alshabaab U Aqoonsatay Ururka Ugu Khatar Badan Uguna Xagjirsan Q. Afrika

Sydney (Foore)- Shabakada caanka ah ee 9news.co.au, ayaa daabacday in Dowlada Australia ay mar kale go’aan ka qaadatay Kooxda Al-shabaab oo ay u aqoonsatay Ururka ugu xagjirsan Africa.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Australia, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Dowladu ay ilaa 5 Urur u aqoonsatay kuwa ugu halista badan Caalamka waxaana kamid ahaa Kooxda Al-shabaab, Jabhadda PKK ee la dagaalanta Dowladda Turkiga, Kooxda Lashkar-e-Tayiba ee ka hawlgasha inta badan dalka Pakistan iyo Garabyadda hubeysan ee Guutadda All-qasaam iyo Islamic Jihaad ee ka hawlgala Dhulalka Falastiin.

George Brandis oo ah Xeer ilaaliyaha ayaa qoraalka ku sheegay in Dowladu ay Ururadaasi mar kale ku dartay Liiska Kooxaha xagjirka ah ee kasoo horjeeda amaanka iyo nolosha aadanaha. George Brandis ayaa ballanqaaday inay garab boodi doonaan cid waliba oo ciribtireysa Kooxahaasi waxa uuna sababta liiska Madow loogu daray uu ku micneeyay inay tahay Awood sii kordheysa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *