Search

Askarigii Ugu Hawl-karsanaa Ciidanka Taraafigga Oo Shalay Aas Qaran Loo Sameeyay

Hargeysa (Foore) – Alle Ha Unaxariistee Ibraahim Faarax Diiriye (Kalabaydh) oo ka tirsanaa ciidanka wadooyinka Somaliland islamarkaana ahaa Askarigii ugu kartidada iyo hawlkarka badnaa ayaa shalay Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Hargeysa kadib markii Marxuumku sida la sheegay uu u geeriyooday Xanuun deg deg ah oo ku soo booday barqanimadii Shalay.
Alle Ha Unaxariistee Ibraahim Faarax Diiriye Kalabaydh ayaa waxa uu istaagi jiray oo uu in mudo ah ka hawlgalayay badhtamaha suuqa hoose ee Hargeysa gaar ahaan Isgoyska aadka u saxmada badan ee ay dadka iyo gaadiidku isku cidhiidhyaan ee u dhaw meherada Cadaani Caffeteria ee u dhaw bacadlaha suuqa Waaheen ama Xarunta Telesom,halkaasi oo ay dadku si weyn ugu barteen intii dambe,waxa uu ahaa askari hawlkar ah oo dadka lugaynaya iyo kuwa gaadiidka wataaba jeclaayeen oo dadka jilicdasan u soo carari jiray,caawina jiray,waxa uu ahaa askari inta uu hurdo mooyee wakhtigiisa kale halkaasi ku qaadan jiray oo dadku ugu soo toosi jireen kagana caraabi jireen.
Shacabka reer Hargeysa ayaa si weyn uga naxay geerida naxdinta leh ee deg deg ah ee ku timid Alle Ha Unaxariistee Ibraahim Faarax Diiriye (Kalaydh) waxaana si weyn galinkii dambe ee shalay la iskaga tacsidaynayay goobaha bulshadu ay ku kulanto iyo baraha internet-ka iyadoo dadkaasi si weyn ay iskugu markhaati fureen inuu Marxuumkaasi Alle Ha Unaxariisee ahaa marxuum, Ehlu Cibaado ah oo salaad badan oo shaqadiisa daacad u ahaa,islamarkaana garanayay waajibka uu wadankiisu ku leeyahay,waxa uu mar walba xidhnaan jiray oo in la sheego haboon Dirayska Taraafikada gaarka u ah oo aad u habaysan.Way adkaanaysaa in Ciidanka Wadooyinka laga helo shaqsi la mid ah Marxuumkaasi oo qaban kara shaqadii uu bulshada u hayay. Sida aanu ka soo xiganay Ciidanka Wadooyinka Somaliland waxa uu marxuumku ifka kaga tagay saddex xaas iyo ubadkoodii.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *