Search

Askari Ka Tirsan Ciidanka Bilayska Saldhiga Ibraahim Koodbuur Oo Saalbo Rasaas Ah Ku Furay Wiil 16 Jir Maxbuus Ahaa, Kadibna Fakaday

Lamagaranayo Sababta Ku Kaliftay Askarigani Inuu Intaasi Oo Xabbo Oo Rasaas Ah Huwiyo Maxbuus Ku Dhex Jira Qolkii Lagu Xidhay Oo Aan Isku Dayin Baxsasho.
Hargeysa (Foore) – Wiil 16 jir ah oo lagu magacaabo Axmed Dayib Cabdi oo ka mid ahaa Maxaabiista ku jirta Saldhiga Ibraahim Koodbuur ee Gobolka Maroodi Jeex ee Magaalada Hargeysa ayaa Shalay Askari Ilaaladiisa ahaa 7-Xabadood oo rasaas nool ah shaandho kaga dhigay jidhkiisaa wakhti uu wiilkaasi sida lanoo xaqiijiyay ku jiray qolkii lagu xidhay,waxaana dhaawaca Wiilkaasi oo aad u liita lagu dabiibayaa Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa.
Sida warkan aanu ku helnay,Shalay aroortii hore ayuu Askari ka tirsan ciidanka bilayska ka hawlgala Saldhiga Ibraahim Koodbuur todoba xabo oo rasaas ah ku dhuftay Wiilkani oo sida la sheegay markaa ku jiray qolkii uu ku maxbuusnaa,waxa uu rasaasta uga galiyay wiilkan dal daloolka Albaabka,waxa ay rasaastii gaadhsiisay wiilkaasi dhaawacyo uu la ildaran yahay oo qaarkood la joojin kari waayay dhiigga,waxa ay qaar ka mid ah todobadaasi xabo ee rasaasta ahi kaga dhaceen madaxa sare oo dhaawac weyni kaga yaalo.
Sida ay wargeysa Foore u xaqiijiyeen dad ku dul sugnaa wiilkan dhaawaca ah oo aanu ku booqanay Cisbitaalka weyn ee Hargeysa,waxa uu wiilkani ka mid ahaa dad dhawaan ciidanka bilaysku ka soo qab qabteen guryahooda oo ka ag dhawaa guri dhawaan ciidanka RRU-du weerar Arxan daro ah ku qaadeen ee ay Carruurta yar yare ee Mujaahidku dhalay dhaawaca iyo dhimashada ugu gaysteen, waxaana la sheegay in wiilkan hadda lagu soo dhex rasaaseeyay qolkii uu ku xidhnaa iyo kuwa kale oo ka yar yariba ay u xidhnaayeen arintaasi layaabka lahayd.
Askarigii Falkani gaystay ayaa ka fakaday saldhiga Ibraahim Koodbuur kadib markii uu falkani fuliyay aroortii hore ee Shalay,waxaana si weyn ugu daba jira laamaha Amaanka iyo Ciidankii uu la shaqaynayay oo baadi doon ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen,si wax looga waydiiyo sababta iyo waxa ku kalifay inuu falka noocan ah ee u gaysto Maxbuus ku xidhan qolkiisii oo aanay jirin xaalad xaalada ku kaliftay Askarigu inuu rasaas adeegsado. Aabaha dhalay wiilkan oo lagu magacaabo Dayib Cabdi oo aanu kula kulanay Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa oo wiilkiisa lagu daawaynayo ayaa sheegay inuu aad ula yaaban yahay sababta wiilkiisa oo xidhan Todoba xabo oo rasaas ah shabaga looga galiyay ee waliba dhafoorka looga toogtay,waxa uu intaa ku daray in soo qabashadii iyo xadhigan uu u xidhnaaba uu ahaa mid aanu fahmayn sababta loo haystay iyo dambiga uu galay wiilkiisu oo goor habeenimo ah isaga oo jooga gurigiisa loogu yimid islamarkaana uu isaga laftiisu soo raaciyay ciidanka,oo uu sugayay in loo soo bandhigo dambiga inankiisu galay balse ay arintani ku xigtay.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wakhti aad looga qaylinayo hawlgala Ciidamada Amniga Somaliland samaynayaan oo u badan kuwo dhiig ku daadanayo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *