Search

Arin Naxdin Iyo Argagax Leh Oo Ka Dhacday Puntland.

Bosaaso-(Foore) – Qaar ka mid ah waalidiinta degan magaalada Boosaaso ayaa waxaa soo food saartay cabsi xoogan, kaddib markii halkaasi ay ka dhacday arrin qabsatay mid ka mid ah qoysaska halkaasi ku dhaqan.

Hooyo lagu magacaabo Ruqiyo ayaa sheegtay in gabadh ay dhashay laga xaday gurigeeda, kaddibna meydkeeda laga helay guri halkaasi ka dhowaa oo aan la deganeyn.

Meydka gabadhaan oo hal sano jir ah ayaa la sheegayaa in lagala baxay uur-ku-jirta, iyadoo caloosheedana la soo geliyay bac madow.

“Gabadha waxaa qaatay nin cago waaweyn, aniga markaas waxaa ii sheegay wiil aan dhalay markii la xadayay, balse waxba kama dhigan, hase yeeshee goor dambe ayaan ogaaday in gabadheydii la xaday” ayay tidhi hooyo Ruqiyo .

Muuse C/Kariim oo ah aabaha gabadha caloosha lagala baxay ayaa isna sheegay in dhacdada naxdinta leh ee qabsatay gabadhiisa ay baadhayaan ciidamada Booliska Puntland.

Ma aha markii ugu horeysay oo caruur yar yar lagu dhibaateeyo magaalada Boosaaso, iyadoo dhacdada qabsatay qoyskaan ay tahay mid ay si weyn uga welwelsan yihiin qoysaska halkaasi degan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *