Aqoon Isweydaarsi Socon Doona Muddo Hal Maalin Ah Ayaa Maanta Loo Furay Agaasimayaasha Guud Ee Somaliland.

Hargaysa (Foore)-Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Somaliland ayaa maanta aqoon iswaydaarsi looga furay hoolka shirarka ee ha’ada shaqaalaha, aqoon iswaydaarsigan oo socon doona muddo hal maalin ah.

Aqoon iswaydaarsigan ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha ha’ada shaqaalaha, masuul sare oo ka socda hay’ada UNDP iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn halkaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha Nuux Sh Muuse oo agaasimayaasha ku baraarujiyay in ay ka faa’idaystaan aqoon iswaydaarsgan soconaya halka maalin, guudoomiyaha ha’ada shaqaaluhu wuxuu sheegay in ay xukuumada ka ga’an tahay in ay tayeeyaan shaqaalaha dawlada.

Waxaa isna aqoon iswaydaarsigaa ka hadlay masuul sare oo kasocda hay’ada UNDP wuxuuna sheegay in ay soo dhawaynayaa ka hay’ad ahaan aqoon iswaydaarsigan.

Kamaal Ismail Adan
Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *