BREAKING NEWS
Search

“Annagu Guurtida Cadaadis Kuma Lihin Balse Mawqifka Xukuumaddu Waakaa Ay Xisbiyada Qaranka Ku Raaceen”

Afhayeenka Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Aragtida M/Siilaanyo Ee Khilaafka Muddo Kordhinta

Hargeysa (Foore)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul Ayaa Ka Hadlay mawqifka madaxweynaha Somaliland ka taagan yahay khilaafka ka taagan doorashooyinka Somaliland isaga oo sheegay in Mawqifka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tahay go’aankii ay marka horeba ku raaceen Xisbiyada qaranka ee la wada saxeexay.
Afhayeenka Madaxtooyada oo la hadlay warbaahinta ka dib markii uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sababta Madaxweynaha Somaliland aanu inta badan u qaban shirar jaraa’id oo saxaafaddu su’aalo toos ah waydiin ama wakhtiyada uu safarrada ka soo noqdo ama ku sii socdo uu warbaahinta su’aalo uga jawaabo ee uu ku koobnaado oo kaliya warbixin kooban oo uu isagu saxaafadda siiyo.
Afhayeenka Madaxtooyada oo ugu horrayn ka hadlaya mawqifka xukuumadda ee muddo kordhinta Guurtida ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Markii xisbiyada mucaaridka ahi ka biyo diideen muddo kordhintii Guurtida, xukuumaddu iyada oo u nasteexaynaysa wada jirka dalka, inaanay dalka dhibaato ka dhicin iyo inaanu khasaarin tacabka faraha badan ee aynu soo galnay iyo waxyaalo fara badan oo dalkan ku gadaaman una baahan in lagaga gudbo wada jirka mucaaridka iyo muxaafidka waxay mar walba u taagan tahay maslaxadu halkay ku jirto iyada oo hormood u ah, ka dibna xisbiga Kulmiye iyo xisbiyada mucaaridka ahi is arkaan, walibana iyada oo muhiimad la siiyey xisbiyada mucaaridka ah ayey noqotay inay xalkii Decenber ay yidhaahdaan xukuumada waa inaanay waxba ka qabin.” Ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyada somaliland
Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay wax fara galin ah ku hayn golaha guurtida waxaanu yidhi “Anagu golaha guurtida cadaadis iyo wax u diidis midna kuma lihin, laakiin mawqifka xukuumadu waa kaas ay ku raaceen xisbiyada mucaaridka ah.”
Sidoo kale waxa uu ka jawaabay sababta madaxweyne Siilaanyo ilaa hada looga hor taagan yahay in wax su,aalo ah ay weydiiyaan weriyayaashu waxaanu yidhi “Qofka Weriyaha ahi waxa uu ugu jecel yahay inuu qofka madaxda ah wax waydiiyo, laakiin imika mays waydiiseen barigaas saxaafadu intaas way ka yarayd Manay jirin warbaahinta Online-ka ah ee maanta halka ugu sarraysa maraysaa, saxaafaddu in kooban ayey ahayd xataa inta wax weydiin jirtay way koobnayd, maantana bal u fiirsada waxa uu mashaakil naga qabsadaa isku daysta su’aalaha, Madaxweynaha Su’aasha la waydiinayaa waa inay wax soo kordhisaa, waa inay noqotaa mid ka turjumaysa dareen dhab ah waxaana iska jira su,aalo caadifadi ku jiraan.” Ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyada Somaliland
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan la samayn doono meel madaxweynaha su,aalaha lagu waydiiyo waxaanu yidhi “Sidii uu wasiirka warfaafintu sheegay waxaanu samaynaynaa saaxad aad madaxweynaha ku waydiisaan Su,aalaha waxaana laydiinka baahan yahay inaad si masuuliyad ah isku soo xushaan.” ayuu yidi Afhayeen Dhuxul.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *