“Anigu Waxaan Idinkula Talinayaa Ninkaas (Cirro) Qunyar Socodka Ah, Xishoodka Badan Ee Waxa Uu Diidaayo Qarsanaaya Ee Dulqaadka Badan”– Aqoonyahan Xasan Jaamac Bacad

Hargeysa, November 9, 2017- (Foore)- Aqoonyahan Xasan Jaamac Bacad oo ka mid ah aqoon yahanka Somaliland ee qurbaha ka soo laabtay ayaa shacabiga Somaliland kula dardaarmay inay xoojiyaan wax isku ahaanshahooda, isla markaasna iyaga oo meesha ka saaraya qabyaalada ay doortaan hogaamiyaha ay u arkaan inuu shacbiga hogaamin karo shanta sano ee soo socda.
Aqoon-yahan Xasan Jaamac Bacad ayaa is barbar dhigay musharaxiinta tartamaaya waxaanu shacbiga farta ugu fiican Cabdiraxmaan Cirro oo uu ku tilmaamay siyaasi qunyar socod ah oo qarsan kara dareenkiisa isla markaasna shacabiga Somaliland isku wadi kara.
Aqoon yahan Xasan oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay”Waxa jira sadex xisbi oo ay Somaliland leedahay oo sharciyan ah sadexdaba waxa ku jira bulsho faro badan oo qiimo leh oo aynu dadka kaga duwanahay, waxa hogaaminaya sadex musharax oo ay sadexduba ay xaq u leeyihiin inay madaxnimo waydiistaan dadkooda, dadkuna waxay xaq u leeyihiin inay sadexda musharax ee xisbiyada hogaaminaaya ay ku qiimeeyaan taariikhdii ay soo jireen nolashoodii, xisbiyada aragtidoodu aad uma kala fogfoga, laba xisbi waxay taageereen in dekeda iyo eeriboodka la wareejiyo oo waliba markii la wareejinaayay
qadiyada ka taagnayd ay ahayd tii labada gole laysugu yeedhay heshiiskaasna lagu saxeexay 25 daqiiqo oo ay dhexdeeda ka socotay golaha guurtida dagaal, askartu soo gashay oo laysku jiid jiidanaayay, laba hogaamiye iyo laba xisbi ayaa arintaas ogolaaday waxaanan u arkayaa in danbi qaranka laga galay ay tahay, waayo nolashii dadka Somaliland ee sodon sano in 25 daqiiqo oo la dagaalamaayo lagu wareejiyo maskax caafimaad qabtaa ma qaadan karto, xisbiga Waddani iyo hogaamiyahiisuba si cad ayay u diideen, waliba hogaamiyaha xisbigaasi Cirro uu meesha ka baxay, arintaas waxan ku qiimeeya oo xasuusnaada ayaan leeyahay shacabka.”
Aqoon-yahan Xasan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Sadexda xisbi qaran ee tartanka ku jira waxaad moodaa inuu xisbi iska hadhay oo taageerayaal badan aanu lahayn doorashadana aanu u diyaar garoobin waayo wakhtigii uu madaxweyne ku xigeenkiisa dooraayay golahiisa dhexe ayaan ka duulaysaa, labada xisbi ee isku soo hadhay waa Waddani iyo Kulmiye oo midna uu hogaaminaayo Muuse Biixi, midna Cabdiraxmaan Cirro, waxaynu eegaynaa labadaas hogaamiye mid waliba waxa uu shar iyo wanaag leeyahay, Muuse Biixi ayaan ku horaynayaa oo kornayl ahaa oo jabhadii dalkan ka soo qaybgalay oo ay tahay in lagu xushmeeyo, waxa uu nasiib u yeeshay inuu guddoomiyo shirkii lagu doortay Cadbirxmaan Tuur iyo Xasan Ciise, isla goobtaas Cabdiraxmaan Tuur markii lagu wareejiyay mikarafoonka waxa uu yidhi, Muusow waxad noqon Muusihii hore ama Muusaha maanta, runahaantiina Muuse waxa lagu canbaarayn jiray wakhtiguu SNM-ta ahaa inuu nin dhib badan oo ay ka shaqayn kari wayday SNM ahaa, waxa uu jidgooyo u sameeyay janankii Itoobiyaanka u sareeyay iyo madaxweynaha maanta Axmed Maxamed Siilaanyo wakhtigii jabhada.Marnaba Muuse ku amaani maayo waxii dalka ka dhacay, kuwii kale ee dhinaca kale ka soo jeeday ee uu ka midka ahaa Ina Mire iyaguna la mid ayay ahaayeen, markaas midnaba kuma faani karo hadii uu eedadii iyo habaryartii uu u quudhay rasaas.”
Aqoon-yahan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxaan eegayaa Caddiraxmaan Cirro oo lagu eedeeyo in aanu waxba qaban intii uu golaha joogay, laakiin anigu waxaan arkayaa Cirro inuu yahay nin siyaasi ah oo qunyar socod ah oo garanaaya waxa uu doonaayo, dawladii Udub waxay doontay inay ka qaado, dawladan Kulmiye waxay damacday inay ka qaado way u suurto gali wayday laakiin waxa uu ku hayay awood uu dadka ku kala qancinaayo, waxaad eegaysaa go’aamadii adkaa ee uu soo maray oo aanay marnaba hadal deelqaaf ah qaybkastaba ha ahaatee aanay ka soo gaadhin, waxa uu muujiyay deganaan iyo kalsooni, ninka hogaamiyaha ahna waxa lagu qiimeeyaa marka ay wax ku adkaadaan kalmadaha duul duulka ah ee dadweynaha gaadhaaya ee uu xejin kari waayo, hogaamiyaha waxa laga doonayaa inuu is xakameeyo marka uu cidhiidhi galo oo aanay xataa xaaskiisu ka dareemin, waxa aad xukumaysaa cida kaa soo horjeeda oo aad diidantahay, bulshada Somaliland waxa aad haysataan wakhti qaaban waxanad is barbar dhigaysaan nin gobal waliba eed uu ka tirsanaayo iyo nin dhib yar.”
Ugu danbayntii Aqoon-yahan Xasan Bacad waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday”bulshooy qaybaaladu meel ina gayn mayso oo mar hore ayaan sheegay oo hooyadaa,xaaskaaga iyo seedigaa iyo habaryartaa ayaa dadka kuugu xiga nin aad qabiil guud isku tihiin, wax idinka dhaxeeyaa ma jirto, ninka isku kiin diiraaya ha yeelina, dadkana waxa qaribaaya Taajir dhiigmiirato ah, siyaasi afkumaal ah inta ka soo hadhaa ee kale dadka waa walaalo iyo saaxiib, waxaan idinkula dardaarmayaa shanta sano ee soo socota labadaas nin midbaa kursiga ku fadhisanaaya, ka khayar qaba alle haynooga dhigo,markaas anigu waxaan idinkula talinayaa ninkaas qunyar socodka ah, xishoodka badan ee waxa uu diidaayo qarsanaaya ee dulqaadka muujinaaya waana Cirro.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *