Search

Amarkii Waran Cadde Ee Turiska Gaadiidka Oo Hal Bacaad Lagu Lisay Noqday Iyo FOORE Oo Sawiro Ka Qaaday Gadiid Cusub Oo Turus Warmo Ahi Ka Lushaan

Hargeysa (Foore) – Inkasta oo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade dhawaan go’aan ku soo rogay in turuska laga furo dhamaan Gaadiidka Gobolada iyo Degmooyinka dalka Somaliland iskaga kala goosha, haddana waxaa ku soo banadanaya wadanka gaadiid aan hore turuskaasi loogu xidhi jirin oo imika Turus Warmo ka lushaan laga horaysiiyay kuwaasi oo iskugu jira gaadiidka yar yar iyo kuwa waa weyn ee Xamuulka qaada.
Wariye Wargeyska Foore ka tirsan ayaa waxa uu Shalay Badhtamaha Suuqa Hargeysa kula kulmay gaadiid dhawaan dalka yimid oo lambaradii u dambeeyay sudhan yihiin oo ay la soo degeen shirkadaha socdaalka ka shaqeeya ee Gobolada iyo Degmooyinka ukala goosha,kuwaasi oo inta geerashyada gaadiidka lagu farsameeyo la geeyay lagu soo rikibay Turusyo ka khatar badan kuwii hore looga qaylinayay ee ku xidhnaa Booyadaha Biyaha ka soo dhaamiya Dooxa Tuulada Awbarkhadle ee Bariga Magaalada Hargeysa. Gaadiidkan oo ah Nooca Basaska loo yaqaan,awal may lahaan jirin Turuskan oo laguma xidhi jirin wax Turus ah laakiin markii dirawaladii waday ay maqleen inay Jiraan booyadaha biyaha soo dhaamiya oo turus khatar ahi ka lusho ayay iyaguna ku soo rikibeen kuwo ka sii halis badan si ay uga gaashaantaan maadaama oo ay ku kulmayaan Jidka laamayda ah ee Bariga magaalada Hargeysa uga baxa.
Amarkii wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ka soo saaray ee uu ciidanka Nabad galyada wadooyinka ku amray inay gaadiidka ay arkaan ka furaan Turuska ka horeeya kadib markii la ogaaday inay shilalka ama isku dhacyada gaadiidka wax yeeladooda sii kordhiyaan ayaa waxa aad imika moodaa inay intii hore kasii siyaadayaan oo Dirawalada Gaadiidka wada hada uun la xasuusiyay. Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade ayaa intii uu xilka wasaaradaasi hayay waxa uu soo saaray amaro badan oo aad loogu bogay balse fulintoodii ay ku cuslaatay,waxaanu Go’aani ku biirayaa Go’aano hore oo Wasiirka Warancade hore ugu fulin kari waayay. Shacabka Somaliland ayaa isha ku haya Sida ay Xukuumaddu umaarayso khataraha la ogaaday ina sii gordhiyaan shilalka gaadiidka oo ay ugu horayso gaadiidka Turuska foosha xun laga lulay ee gumaadka u gaystay dadka rakaabka ah marka ay ku timaado dhacdo deg deg ah oo u badan laba gaadhi oo jid wada socday oo si kedis ah iskugu dhacay ama iskug ciira,taasi oo la ogaaday in Turuska Gaadiidka Qaar ka lushaa sababo xun gaysto oo dhimasho iyo dhaawacba leh.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *