Search

Alshabaab Oo Xasuuqday Ciidankii Nabad Ilaalinta Uga Joogay Soomaaliya, Masuuliyiin Ay Afduubteen Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Muqdhisho (Foore)- Xarakada Alshabaab ee Dagaalka Kula jirta Dawlada Itaalka Daran ee Soomaaliya ayaa shalay fulisay weerarkii ugu cuslaa ee ay gumaad ugu gaysato Saraakiil kala tirsan Dawlada Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga ee AMISOM,kuwaasi oo ay badhna qafaalatay,badhna ay dhegta dhiiga dareen meel lagu magacaabo Deegaanka leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya,Waxa dagaalkaasi sidoo kale faah faahin ka bixiyay Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere. Warar dheeraad ah oo Xalay naga soo gaadhay weerarkii ay Alshabaab Shalay ku qaaday Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi Ciidamada Amisom lagaga dilay Askar badan,halka warar kale ay noo xaqiijiyeen in sidoo kale Alshabaab ay qafaasheen Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada Taagta Daran ee Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood labaadi goobayo raq iyo ruux halkii lala maray. Sida warar naga soo gaadhay Xalay Muqdisho ay noo xaqiijiyeen ugu yaraan 23 Sarkaal oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay Shalay Dagaalyanada Al-Shabaab ka afduubteen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeeladda Hoose oo ay si gaadmo ciidamo ka tirsan Shabaabku weerar ugu gaysteen.Dadka la afduubtay waxa ka mid ah Gudoomiye ku xigeenka Deegaanka leego sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegeen.Sido kale waxa jira Warar kale oo sheegaya in isla shalay isaganna la waayay Gudoomiyaha Deegaanka Leego oo aan faah faahin badan laga haynin halka uu qabtay raq iyo ruux toona.sido kale Ciidamada AMISOM ayaa dagaalkaasi sida la sheegay lagaga dilay ugu yaraan 70 sargaal halka dhaawacyaduna intaasi ka badan yihiin.Ciimadan AMISOM ee Shalay Shabaabku gumaadeen ayaa la sheegay inay yihiin ciidankii Burundi ee Nabad Ilaalinta uga joogay Soomaaliya waxaanay wararku sheegayaan in Kontankaasi askariba ay yihiin Burundiyiin. Dhinaca kale Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo dagaalkaasi faah faahin kabixiyay ayaa waxa uu yidhi“Saaka waa Maalin Farxad u ah Umada muslimiinta ah,quluubtoodana uu shaafiyay,Mujaahidiintu saaka(Shalay) ayay ku kalaheen Deegaanka Lego oo fadhiisin u ahayd Ciidanka Burundi iyo Ciidamo ka tirsan Kuwa Soomaaliya,Mujaahidiinta xog ururin badan kadib saaka waxa u suurta gashay inay weerar ku qaadaan,Waxa markii hore galay walaal shahiid ah oo isku qarxiyay,dabadeedna mujaahidiintii oo u diyaarsanayd ayaa kadaba gashay,Ilaahay fadligiisa,mudo saacad iyo daqiiqado ah wuxuu Ilaahay u suurta galiyay inay Mujaahidiintu gacanta ku dhigaan goobtii oo dhan,iyagoo halkaasi kula wareegay wixii goobtaasi ku jiray,nin Cararay oo isagu lugihiisa ku baxsaday mooyaane wax kalena aanay se ka qaadanin,halkaasi waxa ku xasuuqmay Burundi aad u faro badan oo runtii aan dhihi karno waxay xasuus unoqonaysaa oo ay dib inoo Xasuusinaysaa dagaalkii Burundi ku qabsaday DAYNIILE,iyadoo dhimasho aanay intii wakhtigaasi ka yarayn ee ay ka badan tahay”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Wixii Hub halkaasi dhex yaalay Mujaahidiintu waa ay la wareegeen,dadkii magaalada deganaana waa ay u khudbadeeyeen oo wacdiyo ayay u jeediyeen,wixii firxaday ee gaalada ka midka ahaana waa loo soo sheegayay oo way baacsadeen,oo reer Magaal iyo reer Baadiyaba waa la iskugu tagay oo way u soo sheegayeen intii uu hawgalkaasi socday,ragaasi runtii shalay la haleelay nin waliba waxa uu u cararay wajigiisa kadib markii uu hareertiisa ku arkay meyd iyo dhiig,xaruntii Shalay Mujaahidiintu weerareen waxa uu ahaa khad dhexe oo isku xidha Itoobiyaanka iyo Afrikaanta kale oo ay sahayda iyo hubka iskaga gudbinayeen,waxa uu ahaa Talis dhexe oo isku xidh ah,Khadkaasi waa uu go’ay,waad ogtihiin murtidiintii waftiga ahayd ee Carab iyo Cajab lahayd ee u imanaysay ayaa la weerarayaa,Magaaladii Muqdisho oo ay isku halaynayeen ayaa intaa dagaal ku socdaa,Afgooye wixii ka dhacay wixii ay mujaahidiintu ka dhigeen ayaa la ogaa,cidii toobad keenaysaa Nasrigu wuu u furan yahay laakiin cidii Dawlada iyo Africanka la shaqaynaya lama badbaadinayo” Ayuu Sheekh Cali Dheere hadalkiisa ku soo koobay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *