BREAKING NEWS
Search

Alshabaab Oo Sheegtay In Ay Ka Dambaysay Qaraxyadii Lagu Hoobtay Ee Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Foore)- Afhayeenka kooxda alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Rageh Cali dheere ayaa sheegay inay taageerayaashoodu ka dambeeyeen weraradii ka dhacay magalada muqdisho.
Sh. Cali Dheere oo u waramayey wakaalada wararka ee APF ayaa sheegay inay qaraxyadaasi ka dambeeyen taageerayaashooda oo uu sheegay inay ka cadhaysyihiin faragalinta ciidamada shisheeye ee dalka soo galay waa sida uu warka u dhigaye.

Cali dheere ayaa sheegay inayna iyagu qaraxyada is rasmi ah u amrin, balse waxa uu sheegay inay dad badan oo la dhacsan fakarka alshabaab isla markaasina daacad u ah alshabaab ay fuliyeen weerarkaasi.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay dad inta badan caan ka ahaa warbaahinta somaliya waxaana kamid ahaa Cabdisataar Daahir Sabriye oo katirsanaa wariyeyaasha tv-ga qaranka somaliya horayna uga soo shaqayn jiray GBC codka nabada, Universaltv iyo idaacado kale, Wax kale oo weereradaasi ku dhintay dad kale oo bulshada reer muqdisho caan ka ahaa balse aan ilaa hadda magacyadooda naloo xaqiijin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *