Search

ALSHABAAB Oo Diyaarisay Guuto Gaara Oo La Dagaalami Doonta AMISOM Looguna Magac Daray Ina Godane

Idaacadda Alshabaab Oo Faahfaahisay Guutadan, Waxa Ay Qaban Doonaan Iyo Wakhtiga Ay Tababaro Gaara Ka Soo Baxeen

Muqdisho (Foore)- Xarakada Islaamiga ah ee Al Shabaab ee ka dagaalama dalka Dagaaladu aafeeyeen ee Soomaaliya ayaa magacaabay guuto si gaar ih ula dagaalami doonta oo aan cid kale xabbad qashar ah ku ridi doona kuwaasi oo si gaar ah ula dagaalami doona kaliya Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM, kuwaasi oo maamulka taagta daran ee Soomaaliya ka caawinaaya dib u soo celinta xasiloonidii dalkaasi sida ay sheegaan balse wali aan maalin kali ah u muuqan meel nabad ah.
Guutada gaarka ah ayaa waxaa loogu magac-daray Sheekh Abuu Zubeyr, oo ahaa Amiirkii hore ee Ururka Al Shabaab oo magaciisa dhabta ahi ahaa Axmed Cabdi Aw Maxamed (Ina Godane), balse magaca xarako ahaan loo yaqaanay uu ahaa Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr. Idaacada Andalus oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa tebisay Guutada Sheekh Abuu Zubeyr inay ka dambeysay weerarkii askarta badan lagaga laayay Ciidamada AMISOM, ee Jimcihii ka dhacay deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Idaacadda Andalus, ayaa sheegtay Guutada Sheekh Abuu Zubeyr in loo sameeyay burburinta Ciidanka AMISOM kuwaasi oo ay Shabaabku ku eedeeyen inay ku soo duuleen kheyraadka dalka Soomaaliya sidaa darteed ay lagama maarmaan tahay in dalkaasi laga sifeeyaa. Kooxda Al Shabaab, ayaa waxay sheegtay in weerarkii Leego ay ku dishay 80 ka mid ah Ciidanka Burundi ee ka tirsan AMISOM, isla-markaana ay gacanta ku hayso meydadka 60 ka mid ih.
Idaacadda Andulus waxa ay sheegtay in kooxda Abu Zubayr ee gaarka ahi noqon doonaan koox si gaar ah u tababaran oo kaliya la dagaalami doonta ama hawlgallo culus ku fulin doonta ciidamada AMISOM ee ka hawl gala dalkaasi Soomaaliya.
Afhayeenka kooxda Alshabaab ayaa sheegay in dufcaddii koowaad ee kooxdan gaarka ahi dhawaan ka soo baxday xero tababar oo ku taalla wadanka Soomaaliya gudaheeda kuwaasi oo imika diyaar u ah in ay laban laabaan hawlgallo ay ku bartilmaameedsadaan ujeedada marka horeba loo diyaariyey oo ah kaliya la dagaalanka Ciidamada AMISOM.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *