Search

ALLE Ha U Naxariistee,La-Taliyihii Madaxweyne Siilaanyo Ee Gobolada Bariga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde Oo Xalay Saqdii Dhexe Ku Geeriyooday Cisbitaal Ku Yaala Dalka TURKIGA.

Turky(Foore) – Alle ha u naxariistee,La-Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Gobolada Bariga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde, ayaa xalay niskii danbe abaaro 3:30-habeenimo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala dalka Turkiga oo lagu dabiibayay, kadib markii uu dhawaan ka jabay bawdada bidixda oo uu gaadhi ku jiidhay Madaxtooyada Somaliland Dhexdeeda.

Geerida Marxuumka Waxa soo sheegay oo Xaqiijiyay qaar ka mida ah ehelada Marxuumka oo hadda ku sugan Magaalada Hargeysa.
Marxuumkan Geeriyooday ayaa waxa uu ahaa nin ay dheer-tahay Somaliland-nimadu, isla markaana jecel inay marwal-ba wax hagaagaan oo dadka jecel oo kaftan baddan.

Dhamaan Shaqaalaha Wargeysa Foore iyo kuwa Shabakaduba waxay Tacsi u dirayaan, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Fu’aad Aadan Cadde oo Niskii Dambe ee Xalay oo ay taariikhdu ahayd 15/7/2015 ku Geeriyooday Cusbitaal ku yaala Dalka Turkiga oo Marxuumka Lagu Dabiibayay.
Waxaanay ILAAHAY Marxuumka uga baryayaan inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka Siiyo.

Aamiin……………………………Aamiin…………………………………….Aamiin




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *