Search

Allaybaday: Ciidan Itoobiyaana Oo Rasaas Ku Furay Askari Ciidanka Somaliland Ka Tirsan Oo Isku Dayay Inuu Ka Soo Daayo Dad Shacab Ah

“Ciidanka Somaliland Oo Kantaroolkii Hore Ee Gudaha Allaybaday Si Deg Deg Ah Dhinaca Xadka Itoobiya Ugu Raray”

Allaybaday (Foore)- Ciidanka Itoobiya ee Kaantaroolka ku leh Daanta Sare ee Magaalada Allaybaday ayaa Shalay Daantooda ku xidh xidhay dad shacab ah oo aan waxba galabsanay waxaanay taasi keentay inay Ciidanka Bilayska Somaliland ee Isla Allaybaday jawaab deg deg ah ka bixiyaani iyagoo iyaguna dhinacooda adkeeyay isku socodkii labada daamood islamarkaana dad Itoobiyaan ah oo Gudaha Magaaladda Ku Sugnaan iyaguna dhinacooda saldhiga u taxaabay.
Warar Xalay naga soo gaadhay Xarunta Degmada Allaybaday ee Gobolka Gabiley ayaa noo Xaqiijiyay in Ciidamada Ka hawlgala Labada Kantarool ee Magaalada Allaybaday ku yaala ee daanta Somaliland iyo Itoobiya ay shalay ku sigteen inuu dagaal ka dhex qarxo kadib markii uu Askari ka mid ah kuwa Somaliland uu isku dayay inuu Ciidanka Itoobiya ee Kaantaroolka ku leh Allaybaday ka soo ladqabeeyo dad Shacab ah oo aan waxba galabsan oo qaab anshaxa ka baxsan ay u xidh xidheen Ciidanka Bilayska Itoobiya,islamarkaana ay ula dhaqmeen,Askarigaasi oo sida la Sheegay ay Ciidanka Itoobiya rasaas ooda kaga soo qaadeen islamarkaana isaga oo aan gaadhin ay dhexda ka soo celiyeen,balse aanay waxyeelo u gaysan rasaasti. Intaa Wixii ka dambeeyay sida ay noo sheegeen dad ku sugan Degmada Allaybaday,Xaalada ayaa cirka isku shareertay waxaanay ciidamada Somaliland Kaantaroolkii ka rareen halkii hore ay u degaanaayeen,waxa ay aad ugu dhawaadeen koontaroolka Ciidanka Itoobiye ee Dadka Shacabka ahi ku xidhnaayeen.
Warar kale ayaa noo Xaqiijiyay in Ciidanka Bilayska Somaliland ay iyaguna dhinacooda Magaaladda Allaybaday ka dhex qab qabteen Dad Itoobiyaan ah oo ka soo talaabay Daanta Itoobiya. Waxa guud ahaan Xidhnaa shalay isku socodkii labada daamood ee Allaybaday ee Somaliland iyo Itoobiyo Iyagoo shacabka Ku dhaqan ay aad uga cabsi qabeen oo ay wadnaha farta ku hayeen inuu dagaal ka dhex qarxo labada ciidan oo muuqaal ahaan isku muuqday shalay islamarkaana midba midka kale uu tusinayay talaabada ay qaateen ee ay isku ficishadeen.
Ciidanka Bilayska Somaliland ee Degmada Allaybaday oo ka Ficil qaatay talaabada Ciidanka Itoobiya layimaadeen ayaa dadka ay qabtaan ee ay u tuhmaan inuu Itoobiyaan yahay waydiinayay Kaadhka Aqoonsiga Somaliland “Somaliland ID-CARD” iyagoo xidhayay qofka ay ka waayaan ee Itoobiyaan ay u arkaan, halka ay Ciidanka Itoobiyaankuna dhinacooda talaabo taa la mid ah ay iyaguna ka wadeen dhinacooda. Lama oga halka ay xaaladani Saldhigi doonto laakiin Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay inay Amraanyeen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *