BREAKING NEWS
Search

Alla Ja U Naxariistee Fannaan Faysal Cumar Mushteek Oo Ka Baxay Masraxa Fanka Soomaalida

Hargeysa (Foore)- Alla ha u naxariistii waxa geeriyooday Faysal Cumar Mushteek oo ka mid ahaa fanaaniinta waaweyn ee reer Somaliland, ahaana fannaan weyn oo dhulka Soomalida aad looga yaqaano isla-markaana muddo dheer ku soo dhex jiray Fanka.

Alle u naxariistee Marxuum Faysal Cumar Mushteek ayaa caawa ku geeriyooday jidka u dhexeeya Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, markaasoo dib looga soo celiyay Magaaladda Berbera oo la doonayey in maanta ahaan laga saaro diyaarad geysa Addis-ababa si loogu duuliyo dalka Ingiriiska oo la doonayey in lagaga soo daaweeyo xanuun uu u jiifay todobaadadii u dambeeyay.

Alle ha u naxariistii xaalad caafimaad ee Marxuumka oo cuslaatay awgeed ayaa dib looga soo celiyay safarkii uu u gali lahaa dhanka Addis-ababa, balse intii aan la soo gaadhsiin Hargeysa ayuu geeriyooday.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu maalmihii u dambeeyay la il-darnaa xanuun la soo darsay, kaasi oo la doonayey in loogu qaado Ingiriiska, si loola soo tacaalo xaaladiisa caafimaad, balse Caawa ayuu geeriyooday.

Faysak Cumar Mushteek ayaa ka mid ahaa fanaaniinta taariikhda dheer ku leh fanka Somalida, isagoo ku soo dhex jiray ilaa lixdamaadkii.

Faysal, ayaa Alle u naxariistee, sidoo kale ka mid ahaa Macalimiintii ugu horeysay ee Somalida, isaga oo ka soo shaqeeyay inta badan dhulka Soomaalidu degto. .

Alle ha u naxariisto Marxuum Oo Iilka Neecow Qabbow Haku Siiyo Narruuro..Aamin..Aamin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *