Search

Alaylahe Gabbal Dumay: Abwaan Garriye Oo Hoygii Dhabta Ahaa u hoyday

“Geeridu xaq weeyaan
Maahmaah guuna baa tidhi
Nimaanad garanayniyo
Geel jiray ku wacan tahay
Shalay Faysal baa go’ay
Galabtana jab baa dhacay
Gaarriyaa hayaamoon gocashada la ooyay
Guuloo Alahayow Jannadaada wada gee.”
Hal-abuur Cabdillahi Saleebaan Bidde
Oslo (Foore)- Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyee, waxa xalay wakhti xilli yar uun ka dambaysay saqdii dhexe ku geeriyooday dalka Norway marxuum Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”. Marxuumku waxa uu muddooyinkii u dambeeyey xanuun u jiifay cusbitaal ku yaal magaalada Hammar ee dalka Norway.
Haddii aanu nahay bahda Ramaasnews iyo dhamaan bulsha-weynta ku dhaqan dalka Norway, waxa aanu geerrida marxuumka uga tacsiyeynaynaa guud ahaan bulshada Af-soomaaliga ku hadasha, xukuumada iyo dadka Somaliland, Ehelada, Asxaabta iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay. Marxuum Maxamed Xashi Dhamacna Ilaahay naxariistiisa Janno ha ka waraabiyo.

Aamiin………Aamiin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *