Search

Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Hub Culus Iyo Saanad Militari Oo Ay Ka Furteen Xeradii Ay Ku Xasuuqeen Ciidanka Burundi

Xarunta Warbaahineed Ee Alshabaab Oo Baahisay Muuqaalada Hub Iyo Agab Milatari Kii Ugu Badnaa Ee Qaniimo AMISOM Ah

Leego (Foore) – Kooxda Xarakada Alshabaab ee Dagaalka kula jirta Dawlada Soomaaliya ayaa Shalay waxay soo bandhigeen Hub Culus iyo Qalab Milatari oo ay kala furatay Ciidankii Nabada Ilaalinta u joogay Soomaaliya ee Burundi ee ay dhawaan ku weerartay Fadhiisin ay ku lahaayeen Deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya,Xeradaasi oo ay ciidankii ku jiray ka dhigeen wax dhintay iyo wax Cagahooda kaga fakaday.
Hubkan oo ay masuuliyiinta Xarakada Alshabaab Shalay ku soo bandhigeen goob fagaare ah ayaa waxa uu iskugu jiray noocyo badan,waxaana ay ku sheegeen inay ka furteen hubkaasi Fadhiisinkii Ciidamada Burundi ay ku lahaayeen Deegaanka Leego oo ay Todobaadkii hore Dagaalyahano Alshabaab ka tirsani cagta Mariyeen. Hubka ay Al-Shabaab soo bandhigeen waxaa ku jira Qorayga loo yaqaano Zuuga, qoryaha fudud , rasaas, qoryo waaweyn iyo kuwo yar yar, koofiyado, gaadiid iyo qalab kale, waxa sidoo kale Shabaab soo bandhigeen Gaari Cabdi Bille ah ay ka qaateen Xerada AMISOM,waxaana ay ku sheegeen dagaalkaasi ay hubkaasi badan ku soo qabsadeen mid ay ugu aargoynayeen Aflagaadadii loo gaystay Nebi Muxumed “NNKH”, iyagoo intaa ku daray in guutadii falkaasi fulisayna loogu magacdaray Hogaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane oo sanadii hore Maraykanku duqayn diyaaradeed ku dileen.
Hubkan ayaa waxa uu cabsi weyn ku abuuray Guud ahaan Dawladaha Geeska Africa ku yaala oo ay Alshabaab falal amni daro ka fuliso,waxa kale oo cabsida hubkani si gaar ah u taabanaysaa ciidamada AMISOM ee Nabad Illaalinta u jooga Soomaaliya kuwaasi oo aad uga war warsan in hubkaasi ay Xarakada Alshabaab u soo adeegsadaan. Sida lagu baahiyay Shabakadaha wararka Muqdisho Ciidamada AMISOM ayaa labadii maalmeed ee u dambeeyay waxay baneeyeen goobo badan oo ay Alshabaab hore ugu qabsadeen,lama garanayo sababta dhabta ah ee ka dambaysa dib u gurashada ciidamada AMISOM ee ku soo aadmaysa wakhti Xarakada Alshabaab ay Bishan Ramaddaan kor u qaadeen Weerarada iyo qaraxyada ay ka gaysanayaan guud ahaan Soomaaliya.

hubb_5

hubb_9




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *