Search

Al-Shabaab oo gacanta ku dhigtay Diyaaradii ku dhacday Duleedka Afgooye iyo rakaabkii saarnaa

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ee dalkaasi Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab ay la wareegeen Diyaaradii shalay ku dhacday Deegaanka Cusmaan Durre oo qiyaastii 9-KM u jirta Degmada Afgooye.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya halka ay ku dhacday diyaarada kasoo duushay Magaalada Nairobi kuna sii jeeday Garoonka Ciidamada ee Bali-Doogle, waxaana wararku sheegayaan in diyaaradu ay xamuul u siday Ciidamo kusugan Bali-Doogle.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Al-Shabaab gacanta ku hayaan 12-qof oo kamid ahaa rakaabkii diyaaradaasi saarnaa kuwaa oo u badan ajaaniib, lamana oga wadamada ay kasoo jeedaan dadkaasi.

Afhayeenka maamulka Shabeelaha Hoose Maxamed Shiino ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la wareegeen Diyaarada iyo dadkii saarnaa, waxa uuna tilmaamay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM aysan u suurto galin in ay gaaraan halka ay diyaaradu ku dhacday.

Wali si dhab ah looma xaqiijin karo halka ay Al-Shabaab la aadeen dadkii saarnaa Diyaarada ku dhacday Deegaanka Cismaan Durre ay gacanta ku hayaan, wararka qaar ayaana sheegaya in Al-Shabaab ay geedo dul saareen Diyaarada si aan loo arag halka ay taalo.

Xarakada Al-Shabaab ayaan dhankooda ka hadlin Diyaarada kusoo dhacday deegaanka ay gacanta ku hayaan iyo wararka sheegaya in ay gacanta ku dhigeen dadkii saarnaa diyaaradaasi oo lagu qiyaasay 12-qof.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali war cad kasoo saarin Diyaarada ku dhacday Duleedka Degmada Afgooye cida iska laheed iyo halka ay kusii jeeday, Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ayaana u muuqda kuwa ku fashilmay in ay gaaraan Deegaanka ay Diyaardu ku dhacday.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *