Search

Al-Shabaab Oo Baahisay Magaca Wiil Reer Hargeysa Ahaa Oo Kaga Dhintay Dagaalkii Leego.

Muqdisho (Foore) – Kooxda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay filim laga sameeyay dagaalkii ay ku qabsadeen xerada Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM ku lahaayeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose ee dalka Soomaaliya.
Dagaalkan oo hore Warbaahintu u sheegtay inay ciidamada Burundi kaga dhinteen ilaa 70 askari ayaa Al-shabaab waxay filimkan cusub ku sheegaysaa inay ku dishay ilaa 80 Askari oo kuwa Burundi ah, isla-markaana qalab ciidan oo halkaasi yaalay la wareegtay.
Mu’asasada Al-kata’ib oo ah garabka warbaahineed ee xarakada Al-Shbaab ayaa khamiistii oo ahayd maalintii koowaad ee Ciidal-odxada soo saartay filimkan oo si aad u xeel-dheer looga shaqeeyay isla-markaana lagu muujinayo khasaaraha Ciidamada AMISOM ka soo gaadhay weerarkaasi.
Sidoo kale, Al-shabaab ayaa soo bandhigtey ninkii waday gaadhi markii koowaad ee weerarkaasi bilaabmayey lagu qarxiyey Albaabka xerada ciidamada Burundi ee deeaanka Leego iyo weliba 3 dhallinyaro ah oo kaga dhintay dagaalkaasi, kuwaasi oo midkood ka soo jeedo Somaliland.
Ninka la sheegay inay inuu waday gaadhiga lagu qarxiyey xerada al-shabaab ku xasuuqdey ciidamada Burundi ayaa magaciisa lagu sheegay Cammaar Cismaan Axmed.
Cammaar oo warbaahinta Al-shabaab ka hor is qarxintiisa ka duubtay weedho dardaaran ahaa ayaa yidhi “Mujaahidiinta waxaan kula dardaaramayaa waa inaad barataan Diinta, aniguna xaggga ILAAHAY baan u socdaa”….
Al-shabaab waxa kale oo ay filimkaasi ku soo bandhigtay Maydka wiil dhallinyaro ah oo ay sheegtay inuu kaga Shahiiday dagaalka Leego.
Wiilkan oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Muscab, ayaa shabakadaha Soomaalida qaarkood oo warkan baahiyey sheegeen inuu ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan Beel-weynta Reer Sheekh Isaxaaq, gaar ahaan Sacad Muuse, iyada oo wararka qaarkood tilmaameen inuu kasoo jeedo beesha reer Shirdoon.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *