BREAKING NEWS
Search

Al Shabaab Oo Arin Fool Xumo Ah Ka Geystay Deegaan Hoostaga Gobolka Gedo

Gedo (Foore)-Wararka aan ka helayno deegaanka Ceel dheere ee gobolka Gedo Kooxda Al shabaab ayaa waxay dab qabad siiyeen Matooro badan oo dadka kaga faa’iideysan jireen dhalinta korontada iyo Biyaha deegaankaasi.
Shabaabku waxay ku gubeen oo dab ay ku daareen 7 matoor oo la sheegay inay biyaha iyo korontada dadka deegaankaasi siin jireen taasi oo arin aad uga caroodeen ay noqotay falkaasi.
Gudoomiyaha deegaanka Ceel dheere ee gobolka Gedo Maxamed Cameey oo saxaafada qaarkood la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay nimankii nabadiidka shabaab ay matooro dadka ay ku manaafacan jireen dab qabad siiyeen.
“Adeer waxa jiray arin fool xun oo Argagaxisadii ay ka sameeyeen deegaanka waxaana ay dab qabad siiyeen 7 matoor waana mid ka mid ah cadaawada ay uqabaan shacabka ayuu yiri gudoomiye Cameey”.

Kamaal Ismail Adam

Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *