Akhri Waraaqda uu Dahir Riyaale usoo qoray ee uu ku dhex dhexaadinayo labada dhinac xisbiga UDUB isku haysata

 

 

 

Waraaqda uu gudoomiyaha Xisbiga Udub u qoray Dhinacyada is Haysta Ayaa u dhignayd sidan.

 

“Mudane Guddoomiye (Axmed yuusuf Yaasiin) iyo Mudanayaal waxa muuqata in xisbiga UDUB qarka u saaran yahay Burbur uu sababey tartanka Musharaxnimadu, mana muuqato in meel dhexe la isugu imanayo, sidaa daraadeed bah-weynta xisbiga UDUB waxaan la socodsiinayaa inaan laalay Musharaxnimada wakhtigan, iyadda oo la qaban doono doorashada golayaasha deegaanka ka dib, waxaanan guddoonka kala xulista Musharixiinta Madaxwaynaha iyo ku xigeenka aan u joogi doono haddii Eebe yidhaahdo, go’aankana waxaan u qaatay in la badbaadiyo xisbiga bah-weynta UDUB si aanay u dhicin tallo wiiqda midnimada bah-weynta xisbiga UDUB, dhammaan xubnaha bah-weynta xisbiga UDUB waxaan ku boorinayaa inay go’aankan guddoomaan, salaan iyo duco iga guddooma sanadkan cusub.”

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *