BREAKING NEWS
Search

Akhri Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Oo Eeddii Ugu Cuslayd Shalay U Soo Jeediyay Xukuumadda Kuna Tilmaamay Tii Ugu Liidatay Ee Dalka Soo Marta

Hargeysa (Foore) – Suldaanka Guud ee Salaadiinta Subeyr Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa dhaliilo culus u soo jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,waxa uu ku eedeeyay inay curyaamisay Hay’addihii Madax bannaanaa ee awooda lahaa ee Sharci dejinta iyo Xalinta Khilaafaadka ee Wakiilada Iyo Guurtida,waxa uu ku tilmaamay Xukuumaddan inay tahay Xukuumaddii ugu Dhaqanka xumayd ee soo martay Somaliland,waxa kale oo uu ka digay in lafaro galiyo waxa uu ku sheegay dhaqanka Habar Magaado ee soo jireenka ah oo sida ka muuqatay Shalay Suldaanku uu Boodhka soo jafay.
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeyr Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo warbaahinta shalay kula hadlay Hargeysa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Waxaad moodaa in Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay u Soo Tafo Xaydatay inay meel walba oo Umaddan ka dhaqaaqaysa ay baabiiso,Tirtirto, waynu ognahay maanta Goleyaasheenii Qaranka oo gabi goodiiba saddex nin oo caqli fayaw aan laga soo helayn oo xor ah, oo aad arkayso waxa haysta iyo sida ay farta iskaga taagayaan,waxaad arkaysaa Warbaahintii oo Cago juglayn badan lagu hayo,oo Xarumo badan Albaabada loo laabay,waxaad arkaysaa dhaqankii oo isagana faro gali badan lagu hayo,sida Beeshan Magaado ee Waalidka inoo ah oo kale,ee imika halkan aanu kaga hadlayno”.
Isagoo Haddalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Karis Xun ayaa la yidhi iyana ku wax la’, Xukuumaddu Haddii ay iyadu Dhaqankii goyso,oo geedkii ay ku fadhiday ee jirada ahaa iyo geedkii weynaa ee Damalka ahaa haddii ay jarto, iyana waxbay ku laadahay, waanu ognahay,kama agwareegno,uma tagno,lama Xaajoono,waxaanu noogu dambaysay maalmihii u horaysay ee la soo doortay Madaxweynahaasi,Sababtoo ah waxaanu ognahay inay dhamaantoodba samool ka yihiin xaggii dhaqanka,Madaxweyne Riyaale iyo Alle Ha U Naxariistee Marxuum Cigaalba dhaqanka ayay ku xidhnaayeen,laakiin Xukuumaddani waa nooc aynaan wali aragba,waxaad arkaysaa salaadiintii oo Tv-yada la soo fadhiisinayo oo la leeyahay wax taageera,Suldaan wax ma taageero ee wuu taliyaa”.
Suldaanka guud ee Beelaha Subeyr Awal ayaa waxa uu carabka ku dhuftay beelaha Habar Magaade oo uu Xukuumadda uga digay inay soo faro galiso Dhaqankooda lamana garanayo waxa wakhtigan Keenay inuu Suldaanku Soo nooleeyo Habar Magaade,waxa uu isaga oo arintaasi ka hadlaya uu yidhi “Beeshan Magaade,dhaqan soo jireen ah ayay lahayd ma ogolin in dhaqankoodaa lagu faro galiyo,Waynu lawada soconaa Xaalada dalkeena maanta,yacnihii Gole inoo fayoobi majiro,waxaynu arkaynaa Guurtidii loogu talo galay inay Xalinta Khilaafaadka u guureeyaan ayaa maanta ka mid ah waaxyaha khilaafka iyo dabka ugu wayn ka horinaya dalka,hore ayaanu arinta uga hadalnay oo aanu uga dignay waxa maanta taagan,waxaanu ku talinaynaa,in heshiiskii madaxtooyada ku dhex maray Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasada in la dabaqo,guurtida laftoodu qodobadan ay wax ku kordhiyeen maaha qodobo sharci ah,dalka kama jiraan duufaano,dalka kama jiraan Dagaalo”.
Gabo gabadii,Suldaanka Guud ee Beelaha Subeyr Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu ogsoonaado in wixii qaranka ka xumaado ee Fawdo keenay in isaga lagala xisaabtami doono,maadaama oo uu yahay ninka Umaddani u igmatay inuu qaranka uga wakiil yahay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *