Search

Akhri Magacyada Xubno Miisaan Ku Lahaa Xisbiga Waddani Oo Goor Dhaweyd Iscasilay Iyo Waxa ay Qoonsadeen

Hargaysa(Foore) – Xubno miisaan ku dhex lahaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa goor dhaweyd shaaciyey inay iska casileen xilalkii ay xisbigaas ka hayeen, iyadoo saluug ka muujiyey hannaanka hoggaamineed ee Xisbigooda.

msrXubnahani waxay hoggaankooda ku eedeeyeen inuu xukuumadda la dhinac noqday, isla-markaana aanu awood u lahayn inuu cadaadis ku saaro fulinta awaamiirta xoqaya Mililka xukuumadda.

Masuuliyiintan ayaa sidaasi ku sheegay Shirja’raaid oo ay goor dhawayd ku qabteen Hargaysa, waxana ay kamid ahaayeen xubnaha ugu firfircoon xisbigaasi.

Magacyada xubnahan oo aan wali tiradooda si rasmi ah loo xaqiijin, ayaa sida ay nagu soo gaadheen kala ah:

Mustafe Qodax oo ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Waddani

Cabdirashiid Riyo Raac oo ahaa xoghayaha qorshaynta ee xisbiga Waddani, Maxamuud Cabdilaahi Cabdi oo ahaa Gudoomiyihii garabka dhalinyarada ee Xisbiga Waddani.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *