Search

Akhri Magacyada Iyo Xilalka Ay Hayeen Hal-Door Sannadihii Ugu Dambeeyey Ku Baxay Jidka Halista Badan Ee Hargeysa-Berbera

Masuuliyiin Dawladeed, Saraakiil Ciidan, Siyaasiyiin, Madax Dhaqameed Iyo Dad Magac leh oo dhammaantood innagaga baxay Jidkaasi Layaabka Badan

Hargeysa (Foore) – Akhri Alle Ha Unaxariistee Magacyada Iyo Xilalka ay hayeen qaar ka mid ah Marxuumiin Ku Geeriyootay Shilalkii gaadhi ee sannadadii u dambeeyay ka dhacay inta u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera kuwaasi oo ay ku jireen Siyaasiyiin,Masuuliyiin Dawladeed iyo rag Magac weyn ku dhex lahaa shacabka Somaliland kuwaasi oo si kedis ah uu gaadhi kula qalimay jidkaasi oo ay si weyn uga naxeen Shacabka reer Somaliland.
Alle Ha u naxariistee Dadkan ayaa iskugu jira masuuliyiin Dawladeed,Kuwo Xisbi Siyaasi iyo Ganacsato ama dad magac weyn ku lahaa Somaliland,waxaanay kala yihiin sidan:
Siciid Daa’uud Cilmi – Mayorki Hore ee Degmada Berbera.
Cali Muxumed Guuleed (Cali Maarshaal) – Xoghayhii Maliyada ee Xisbiga kulmiye
Muuse Cabdi Cilmi – Guddoomiyihii jaamacadda Hargeya
Cabdilaahi Siciid Dheere – Gudoomiye ku xigeenkii 3-aad ee xisbiga WADANI
Axmed Xusen Cali (Jeeri) – Hantidhawre sare xafiiska Hantidhawrka Qaranka ah.
Cabdi Diiriye Xayd – Maamulihi Hore Cashuraha Beriga Berbera
Maxamud Muxumed Raage – Gudomiyihi Shirkada Bill ee Koontinarada (IMSS)
Xasan Cabdilahai Cabsiiye – Qasnajigii Dekeda Berbera
Maxamed Rashiid Muxumed Faarax – Xoghayahii guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland SOLJA
Yaxye Cisman Guuleed – Saraal sare oo ka tirsanaa Hayada FAO.
Cali Axmed Bulbul – Maamulihi Kastamka Berbera
Cumar Barkhad Dirir – Xisaabiyihii Gobolka Saaxil
Sarreeye Guute Xuseen Dheere Generaalki Hore Ee ciidanka Booliska Somalliland
Yusuf Kaahin Cateye – Taliyihii Qaybta Police ka Gobolka Saaxil
Siciid Fanax – Taliyihii CID Gobolka Saaxil
Aden Biid – Taliyihii Saadka Police ka Gobolka Saaxil
Muse Xashi Diiriye (Fanax) – Agasimahii waaxda Dhulka ee Degmeda Berbera
Yasin Bulshale – Sarkaal sare oo Haamaha Shidalka Berbera
Suldan Bare Warsame Shire
Aden Sanweyne – Xildhiban ka tirsan Golaha Guurtida JSL
Maxamed Xusen Naleeye (Good Abees) Oday caan ka ahaa dalka Somaliland.
Wali Daa’uud Cigaal – Agasimahii Qorshaynta Wasarada Maliyada JSL
Maxamed Da’ud Yusuf – Weriye Television caalamiga HCTV
Muuse Cali Haybe (Sangeere) Sarkaal ka mid ahaa ilaalada Wasiirka Maaliyada.
Tiro Askarteena qaranka ah oo Iyana isla shil ku geeriyooday Jidkan.
26.Dr. Yuusuf iyo labadiisii Carruur ahaa.

Magacyada Qoraalkan waxaa isku soo duba riday Eng. Khalid Xasan Muuse.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *