Search

Akhri Magaca Sarkaal Sirdoonka Somaliland Katirsanaa Oo Naftiisa Khaarajiyey

Hargeysa(Foore) – Waxa Xalay Fiidkii hore Sabab aan la garanaynin Xarunta Ciidamada Sirdoonka Somaliland isku khaarajiyey Sarkaal Katirsanaa Ciidamada Sirdoonka, kaas oo rasaas Oodda Iskaga Qaaday.
Sarkaalkan Naftiisa toogtay, ayaa Magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Raaqib, waxana uu ahaa Nin dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 30-32 jir, isla-markaana muddo sanado ah kusoo jirey shaqada sirdoonka ah ee uu hayey.

Ma jiraan warar kasoo baxay Hay’addaha amaanka oo sheegaya sababta geerida marxuumkaa, balse wararka warbaahinta soo gaadhay, ayaa sheegaya in Marxuumku isku khaarajiyay goobtaa oo ay xiliggaa ku sugnaayeen saraakiisha gobolka ee Sirdoonka iyo Askar ka mid ah kuwa ka hawlgala xaruntaa. kadib rasaas uu la beegsaday naftiisa.

Maydka Marxuumka ayaa la geeyay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn wararka sheegaya inuu sarkaalku is toogtay iyo sababta ku kaliftay.

Marxuum Maxamed Axmed Raaqib wuxuu ka mid ahaa dhalinyaro dhawrkii sanadood ee u danbeeyay ku biiray Hay’adda Sirdoonka Qaranka, isagoo ka mid ahaa dhllinyaro uu xilligii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qoray Taliyihii hore ee sirdoonka MM Nuur Guuto-Liqe.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *