Agaasimaha Warfaafinta Oo La Kulmay Sarkaal Ka Socday Dawladda Masar

Hargeysa (Foore)-Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La Taliyaha Safiirka dalka Masar u fadhiya Jabuuti Maxamed Al-amiir Maxamed oo socdaal hawleed ku yimi Somaliland.

Agaasimaha guud ee warfaafinta, waxa uu la taliyaha uga waramay adeegyada ay waasaaradaasi u qabato bulshada iyo qeybaha kala duwan ee wasaarada warfaafinta.
Agaasimuhu wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo cilaaqaad dhex mara Somaliland iyo Masar.

Faysal Cali Sheekh wuxuu ka dalbaday La Taliyaha safiirka dalka masar u fadhiya Jabuuti, inuu wasaaradda warfaafinta ka caawiyaan dhinacyada tababarada iyo qalabka ay ku shaqeeyaan warbaahinta dawliga ah ee Somaliland.

Dhinaca kale, La Taliyaha safiirka Masar ee dalka Jabuuti Maxamed Al-amiin Maxamed wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay nidaamka dawladnimo iyo nabadgelyada ka jirta Somaliland waxaanu ku baaqay inay Somaliland ku sii negaato jidkan ay ku socoto.
Al- ammiin Maxamed, ayaa agaasimaha uga mahad celiyay kulanka xog waranka ah ee uu la yeeshay waxaanu sheegay inay dayactir ku samayn doonaan isla markaana furi doonaan Maktabadii ay dawladda Masaaridu ku lahaan jiray Hargeysa.

La taliyuhu wuxuu booqday qeybaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta, Radio Hargeysa iyo TV-ga qaranka, wakaaladda wararka iyo warlaliyeyaasha Telefishanka iyo Idaacadda Qaranka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *