BREAKING NEWS
Search

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde Oo Maanso Ka tiriyay Dhaawicii Nairobi Loogu gaystay Fanaanada Nimco Dareen

Hargeysa (Foore)- Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka mid ah sugaanyahanada dhulka Somalida ugu caansan ayaa ka dhiidhiyey dhaawacyo Magaaladda Nairobi lagu gaadhsiiyay Fanaanada da’da yar ee Nimco Dareen.

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, waxa uu tix suugaaneed kooban ka soo saaray falka lagu dhaawacay Nimco dareen oo laba todobaad ka hor dhaawac lagu gaadhsiiyay goob ka mid ah Nairobi oo ay bandhig faneed ku qabatay.

Abwaanka oo Hargeysa ku sugan ayaa Wariyayaal ka tirsan shabakadda Ramaasnews ka mid ah oo la kulmay u sheegay in falkaasi ahaa mid gef ah oo fool xumo iyo waxyeelo ku ah fanaaniinta Somaliyeed guud ahaantood, isaga oo sheegay inuu aad uga xumaaday falka lagula kacay Nimco dareen markii uu maqlay isla-markaana uu ka sameeyay tix suugaaneed uu ku canaanayo dadka cadowga ku ah fanka iyo fanaaniinta, fariina ah u bahda fanka Somaliyeed.

Maansada Abwaan Axmed Saleebaan Bidde ka tiriyey falkaasi ayaa u dhignaa sidan:

Ninka nagu gafayoow

horta soo gadaal baro

Gabayada iyo geeraar

iyo heesihii gumeysiga

U cadeyay guunee

Gilgilee wadnah jaray

godmadow biyo u dhigay

Gaadhsiiyay quustii

iyo galab carawgii

calankan galacliyo

Garansiiyay soomaalida

Gobanimo waxay tahay

garan waaga nacaska ah

Gonda cunaha cadawga ah

Taariikh gunteed

iyo baarkeedna garaneyn.

Gad qabiil xinkeediyo

Gal siyaasad aan lahayn

ku gaafaya fanaanin

ifka wuu ku googi’i

Aakhirana god naareed

hebel laawe wuu gali

gafka iyo qaloociyo

gardarduu u galay kibir

dadka intii garaad lihi

iyo malaa’igta aan gadmin

guule waa ogsoonyahay

Waxay tahay gadeyduna

Maansadan gar-sheegta ah

saxar inaan la gaadhsiin

guud ahaan fanaaniinta

Gala soomaali dhalladkeed.

Xigasho: Ramaasnews




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *