Search

Abiib Timacad Oo Sheegay In Xukuumaddu Gacanta Ku Soo Dhigi Doonto Cadaaladdana Marin Doonto Cid Kasta Oo Ka Dambaysay Falkii Seemaal

Gabiley (Foore)- La Taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweynaha Somaliland Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) ayaa sheegay in xukuumaddu gacanta ku soo dhigi doonto dhammaan cid kasta oo ay ku caddaato in ay ka dambaysay falkii ka dhacay deegaanka Seemaal ee dhawaan saddexda qof lagu dilay. Abiib Diiriye Nuur oo ka mid ahaa waftigii shalay degmada Gabiley madaxweyne ku xigeenka u raacay si ay halkaasi xadhiga uga soo jaraan mashaariic ay dawladda hoose ee Gabiley hir gelisay ayaa markii ugu horraysay meel fagaare ah kaga hadlay aragtidiisa ku aadan dilkii Seemaal oo uu si cad u sheegay in xukuumaddu dadaal weyn u gali doonto soo qabashada cid kasta oo ka dambaysay falkaasi waxshinimada ahaa iyada oo buu yidhi la soo taagi doono caddaaladda cid kasta oo ay ku caddaado.

Sidoo kale La Taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha siyaasaddu waxa uu dawladda Hoose ee degmada Gabiley ku hambalyeeyey wax qabadka muuqda ee ay ku guulaysteen in ay xaqiijiyaan muddooyinkii ugu dambeeyey isaga oo ammaan u soo jeediyay sida qiimaha leh ee ay uga hawl galeen degmada Gabiley adeegyadeeda kala duwan sida waddooyinka iyo guud ahaan mashaariicda u qabsoontay.

La Taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha siyaasadda Abiib Timacad ayaa hore ugu xidhnaa saldhiga ciidanka CID-da ee magaalada Hargeysa kadib markii uu isagu iskii isu geeyey si uu xukuumadda uga garnaqsado dood uu ka qabay eedda dambigaasi oo sifo dadban loogu xidhiidhiyay, balse muddo kadib iskii uga soo baxay xabsigaasi.

Xukuumadda Somaliland ayaan wali ku guulaysan in ay gacanta ku soo dhigto dadkii ka dambeeyey falkii deegaanka Seemaal lagu dilay saddexda qof inkasta oo wasaaradda arrimaha dibaddu ku celceliso in baadhis xooggani ku socoto falkaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *