ABAAL-MARIN CAYNKEE AH AYEY MUDNAAYEEN, PROF. SAMATAR IYO PROF. BUUBAA ?- W/Q: Saleebaan M. Cabdi

Suugaantu waa qeyb ka mid ah, qalabka taariikhda
Qoraalladuna kaba qiima badan, mana qarsoomaane
Nin weliba wuxuu noo qabtiyo, qaladkuu noo gaystay
Diiwaanno qoran baa jiroo, loogu qoroyaaye.
Tuduc aan ka soo dheegey, gabaygii Qaranka Aafoobay, Abshir Bacadle.

Waa dhacdo aan hore loo arag, horena aan innoo soo marin , in rag aan dadkooda iyo dalkoodaba wax ay yeelaan
mooyaane aan waxba u qaban, haddana halyeeyo laga dhigto, laguna hirdamo sidii
xisbiyada dalka loogu kala darsan lahaa.
Reer Somaliland-neey haddey qaranimada, jiritaanka iyo gooni-iskutaagu innaga dhab
tahay, waxa innala gudboon in aynu dhinac ka wada istaagno, iskana qabano, go’aan
mideysana ka qaadanno, horgeynana maxkamad si dembigooda loogu qaado,
dembiilayaasha qaran ee kala ah, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Prof. Ismaaciil Hurre
Buubaa iyo inta kale ee la garaadka ah, ee ku soo hungoobey midowgii Soomaaliyeed ee ay
geedka dheer iyo ka gaabanba u fuuleen.
Waxa mudan in la xasuusto in ay labadan barafasoor ka mid ahaayeen, raggii farrokutiriska
ahaa, ee hortaagnaa xuquuqda Somaliland leedahay, fursadey heshana
dhalleecayn jiray.
Qofka diidan jiritaankaaga, xaqiraya waxqabsigaaga, danta guud ee ummaddi leedahayna
ka hormarinaya dantiisa gaarka ah, ee kursi quudheednimo, cidda cabashadaada
dhageysigeeda u diyaarka ahna kaaga hormaraya si uu waxba kama jiraan kuugu tilmaamo,
nalka yare ee qarankan u soo ifana damacsan innuu bakhtiiyo, hadafkiisuna yahay sidii uu
qarankan u naafeyn lahaa.
Haddaba shaqsiga ama shaqsiyaadka sidaa yeela, maxay ka noqonayaan ummadda ay sidaa
u wiiqeen, xuquuqdoodana cagta hoosteeda geliyeen ?
Fikir ahaanteyda waxaan qabaa in ay dembiilayaal yihiin, loona aqoonsado in ay qarankan
dembi ka geleen (Dembiilayaal Qaran), maadaama ay intaa kor ku xusanba kula kaceen.
Aan dib u yara milicsanno, fikirradoodii hore iyo hadaladii ay ku durri jireen qaranka kan, ay
hadda u casuuman yihiin.
Prof. Samatar, mar uu Somaliland ku eedeynayey in ay hormood ka ahayd baabi’ii ku
dhacay qarankii Soomaaliyeed wuxuu yidhi:-
Annigu waxaan qabbaa, hadda, in ay jiraan meello loo raaci karro dhibaatada wadanka
(Somalia) ku dhacday, waxaana ugu horeeya dadka qarankan jebiyey kala tagiisana
sababey, kowna aan odhan karaa, community (bulsho) da aan annigu ka imid ee
waqooyiga, British Somaliland, oo siday doonaanba ha u tashadaane yidhi annaga
jamhuurriyadiinan nama khaarajineyso, ee waan baxnee nabad gelyo, xuduudkeenuna waa
kii uu dhigay guumeystuhu. Dee markaad sidaa tidhaahdo qarankii iyo wadda jirkii
Soomaaliyeed jug weyn baad gaadhsiisee la soco. Halkaana eed baa taalla. ‘Hadalkani isaga oo
maqal iyo muuqaal ahba waxaa kale heli kartaa YouTube ka, waxayna ahayd waagii uu ololaha Hiil Qaran ku
jiray’.
Tolow markuu barafasoorku sidaa leeyahay, eeda ma innagaa ka gelney koonfur mise
sideynu qabno iyagaa eeda innaga galloo dadkeenii xasuuqey, hantideeniina baabiiyoo,
maatideeniina dhibaateeyey ?
Prof. Buubaa, mar uu ka hadlayey aqoonsiga Somaliland, wuxuu yidhi:-
Aqoonsi raadinta Somaliland maaha wax meel fog sii jira, waa wax ay afka uun ka leeyihiin,
isla markaana ay adduunka shilimo kaga raadsadaan. Aqoonsi weligood helimaayaan,
haddii ay aqoonsi dhaba doonayaanna ha u raadsadaan Xamar, oo ay ka soo cararayaan
kuna marmarsoodaan waanala laayey iyo waanala gumaadey iyo wax sidaasa oo aan sal iyo
raad toona lahayn. ‘Hadalkan waxaan ka soo ergistey www.horufadhi.com’
Haddaba nimanka sidan iyo si ka darranba innoola hadli iyo dhaqmi jiray, maanta
siyaasadda aan ka rajeynaynaa maxay tahay? ilayn waa kuwan xisbiyadeenii qaranku u
tartamayey sidii ay u kala hanan lahaayeene, ugu danbeyna Prof. Samatar, Kulmiye galey,
Prof. Buubaa na Waddani iska xaadiriyey.
Weydiinta meesha taalla waxay tahay, sidan balaadhan ee loo casuumay laban barafasoor
ee ilaa hadda dhulka loo dhigi laayahay, qarankeenan soo kobcaya maxay u horseeddi
kartaa?
Laba midba waan qabbaa in ay ku keeni karto.
Waa midda horree waxay u sababi kartaa, in dariiqii khaldanaa ee qoladan ku soo
hungoobeen uu waddo halaq noqdo, dhallin iyo madax badanina ku hirtaan sidii ay halkaa
uga soo shaqeysan lahaayeen, dabadeeto markey ka soo quustaan halkaana, halkan oo
casuumad balaadhan oo ciwaankeedu yahay ‘ku soo dhawoow aqoonyahan dalkaaga
hooyo’ ugu diyaar tahay u iman lahaayeen.
Midda labaad ee ay qarankan ku keeni kartaana waa, in dadaalkan aqoonsi raadis ee aynu
ku jirnaa innagu noqdo mid aan ka sal gaadhi kari weyno, waayo qollada aynu damacno in
aan qadiyaddeena hordhignaba waxa iyaguna innooga daba maraya madaxda halkeena ka
soo jeedda ee halkaa ‘Xamar’ shaqada ka haysa, oo ku odhanaya dalkayagu kala goo goyn
uuma baahna, intan idin la hadlaysayna waa reer kaliya oo dan kaliya leh. Sheekaduna
waxay ku danbeyn doontaa uun jug jug meeshaada joog, xilalka ay halkaa ka hayaan marka
laga qaadana waa kuwa halkeenan u soo cararaya.
Ugu danbeyntii waxaan hadalkeygan ku soo gebagebeynayaa, dalkan dadaal iyo foojignaan
qaadatay muddo rubuc qarni ah ayuu halkan uu maanta taagen yahay ku soo gaadhey,
intaasna qarankani waxa uu ku soo dhisnaa tamarta, tacabka iyo taladda bulsho weynta ku
dhaqan. Qolloda u banbaxdey in ayna bulshadanni horumarkeeda hakad gelliso fursada ay
rabitaankooda ku meel marin lahaayeena ka wiiqaya, cafiska marka loo fidinayo waa in
bulshada laga go’aan qaataa baan soo jeedin lahaa.

Wa Bilaahi Tawfiiq.
W/Q: Saleebaan M. Cabdi. Email: Sallo_Gargaare@Hotmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *