Search

Aayatullah Cali Khamenei Oo Fasiraad Ka Bixiyay Micnaha Ay Ula Jeedaan ”Ameerika Ha Dhimato’

Tehran (Foore)- Hoggaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in halku dhigga ah “Death to America” ama Ameerika ha dhimato aan loola jeedin dadka Maraykanka, balse loola jeedo siyaasadda Mareykanka. Hadal lasoo dhigay website-kiisa ayuu Ayatollah Ali Khamenei kaga hadlay halku dhiggan isaga oo kulan la qaatay ardayda Iran ka hor xuska qabsashadii safaaradda Mareykanka ee magaalada Tehran afartii November ee 1979-kii. Labada dal ayaan wax xidhiidh ah lahayn tan iyo markaas.
Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyaha iminka talada haya Hassan Rouhani ayaa sameeyey dadaallo uu ku hormarinayo xidhiidhka labadaasi dal oo ay ku jirto heshiiskii laga gaadhay barnaamijka Nuclear-ka ee dalkaas. Hogaamiye Aayatullaah Khamenei waxa uu yidhi: “Ujeeddada Ameerika ha dhimato, loolama jeedo dadka Maraykanka, ee waxaa looga jeedaa ha dhimato siyaasadda Maraykanka iyo islaweynida Mareykanku”. Waxa uu ardaydii uu la kulmay u sheegay inaanay marnaba aaminin Maraykanka, isaga oo yidhi “Mareykanka waxa ay iska hor ilmeysiiyeen kamarada horteeda, iyaga oo iska dhigaya dad neceb dagaalka, balse waa dadka aan ka damqan marka Yahuuddu ay boqolaal caruur ah ku gowracayaan Gaza” ayuu yidhi Aayatullaahi Khamanaay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *