Search

Aamusnaantii Shalay Ee Is Bahaysiga Mucaaridka Iyo Hanjabaaddii Cali Warancadde – Is Muquunin Mise Xeelad Siyaasadeed?!!

Hargeysa (Foore)- Masuuliyiinta Is Bahaysiga Mucaaridka Somaliland oo shalay shir isugu yimid ayaa gabi ahaanba afka xidhay oo diidday in ay wax ka yidhaahdaan kulankooda iyo xaaladda siyaasadeed halka uu shalay khudbad lahjad adag ku baxday uu saxaafadda la wadaagay Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Arrimaha Guduhu arrinkaasi oo dad badan oo siyaasadda falanqeeya ku keenay in ay su’aalo badan iska waydiiyaan labadaasi dhacdo ee shalay is barbar yaallay.
Hoggaanka asxaabta mucaaradka ah ee Somaliland iyo madasha wadatashiga ayaa shalay shir albaabadu u xidhan yahay ku yeeshay magaalada Hargeysa. Kulankaasi markuu dhammaaday oo la filayay in masuuliyiintani saxaafadda iyo bulshada u sharaxaan waxyaabaha ay ka wada hadleen ayay sheegeen inay maanta dareenkooda ku muujinayaan aamusnaan. Masuuliyiintan oo markii shirkooda gaarka ah ay dhammaysteen saxaafaddu ugu gashay hoolka ay ku shirayeen ayaa ka gaabsaday in ay hadlaan, waxaanay masuuliyiintu sheegeen inaanay maanta waxba ka odhan doonin muranka doorashada, sidoo kalena aanay kulankoodan sharaxaad ka bixin doonin. Kulankan waxaa uga qayb galay Xisbiga WADDANI Guddoomiye xigeenka 1-aad Axmed Muumin Seed, xoghayaha guud Mr. Uurcadde iyo xubno kale, xisbiga UCID xubnahoodana uu hogaaminayay musharax Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisu, halka Madasha wadatashigana ay hogaaminayeen Guddoomiye Xasan Guure Jaamac iyo Eng Maxamed Xaashi Cilmi. Madaxdan Isbahaysiga Mucaaradka ayaa saxaafaddu ka duubtay Muuqaalo aamusnaan ah iyo sawirro ay aamusnaan ku galeen taasi oo noqotay arrin aan la macnayn Karin hadba midda ay tahay. Ma xeelad mise tamar darro siyaasadeed?.
Aamusnaanta Mucaaridka marka laga yimaad waxa shalay khudbad tiiqtiiqsi leh saxaafadda mariyey wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde oo Mucaaridka ugu hanjabay in aanay qaban Karin shirar iyo arrimo liddi ku ah nabadgelyada sida uu hadalka u dhigay isaga oo sheegay in wixii ka dambeeya 27-ka July aanay waxba samayn Karin Mucaaridku xukuumadduna gacan bir ah ku qaban doonto cid kasta oo sharciyadda khalkhal galisa sida uu hadalka u dhigay.
Mudaharaadkan aamusnaanta ah ee Isbahaysiga Mucaaradka ayaa imanaya maalmo uun kadib markii ay wada jir labada xisbi mucaarad u soo saareen bayaan ay Madaxweynaha kaga dalbadeen inuu hirgaliyo heshiiska Asxaabta iyo xukumadda ee guurtidu is hortaagtay ka hor 20-ka bishan haddii intaas xukumaddu ku jawaabi waydana ay yeelan doonaan shir ay ku arrinsadaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *