6 Hogaamiye Oo Ku Nool Hodantinimo Qaali Ah Iyo Nolol Tii Sarraysay Shacabkooduna Gaajo U Dhimanayaan Daqiiqad Kasta — (Q:3aad)

5. Bashaar Al Asad- Madaxweynaha Suuriya
Inkasta oo markasta oo aad aragto muuqaallo laga soo diyaariyay waddanka Suuriya oo aad ku arkayso sawirrada dad dagaalo lagu laayay. Ubad iyo dad waaweyn oo burburka guryaha laga soo dhex qaadayo maydkooda oo ku le’anaya duqaynta diyaaradaha dawladdooda iyo dawladda Ruushka, in badanina gaajo u dhimanayaan in badan oo kalena lagu laynayo gaasta sunta ah ee hubka sunta ah lagu duqaynayo, in badan oo kalena badaha ku dhimanayaan iyaga oo qaxooti ah haddana Bashaar Xaafid Al-Asad oo ah Madaxweynaha dalkaasi waxa uu ku jiraa nolol aad u sarraysa oo uu kula nool yahay xaaskiisa iyo caruurtiisa. Waxa uu ka soo jeedaa qoys hore dalka ugu talin jiray oo aabihii waa Madaxweynihii hore ee dalka Xaafid Al Asad.

Warbixinno warbaahintu ka samaysay qoyska Bashaar waxa lagu sheegay in ay malaayiin iyo malaayiin lacag ah ku kharash gareeyaan noloshooda isaga iyo xaaskiisa Asmaa Al Asad. Dibadaha ayay qoyskiisu u safraan oo lacago badan dhigtaan sidoo kalena malaayiin dollar ku soo adeegtaan oo ay gaadiid iyo guryo badan ka samaystaan. Sannadkii 2012 waxa la xaqiijiyey in nin ay walaalo yihiin Bashaar Al Asad uu malaayiin dollar ku kharash gareeyey bakhtiyaa nasiib dhinaca internet-ka ah oo uu ku khamaaray. Sidoo kale Imilat Asad waxa uu sidoo kale malaayiin dollar ku bixiyay lacago wax lagaga iibsaday dhinaca Internet-ka oo ay iibsadeen qoyska reer Bashaar. Haweenayda uu qabo Bashaar ee Asma waxa ay lacago Malaayiin dollar ah sannad walba ku iibsataa macdano iyo dahab qaali ah oo ay isku qurxiso waxaana lagu xasuustaa lacagtii waallida ahayd ee ay sannadkii 2016 ku kharash garaysay dukaamaysi ay khadka internetka wax kaga iibsatay mool casri ah oo ku yaalla Magaalada Paris. Waxa wax lala yaabo noqotay in xaaska Bashaar Al Asad ee Asma ay beer kabo ah dalka Faransiiska kaga soo iibsatay lacag dhan 4-kun oo dollar halka warbixintii ugu dambaysay ee dalkaasi laga soo saarayaa sheegayso in sannadkan oo kali ah ay 12,330 ubad ahi ugu dhinteen qaraxyo lagu weeraray weerar dhinaca duqaynta diyaaradaha ah kuwo kalena gaajo iyo dar xumo ay u dhinteen.

6. Salva-Kiir (Madaxweynaha Koonfurta Suudaan)
Madaxweynaha waddanka adduunka ugu da’da yar ee Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa la sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay ku nool yihiin nolol wanaagsan oo raaxo badan marka la barbar dhigo silica iyo saxariirka ay ku nool yihiin dadkiisa reer Koonfur Suudaan kuwaasi oo dagaalada sokeeye ee umulo dooxa ahi ku keeneen in malaayiin qofi gaajo iyo harraad beerka dhulka ugu hayaan kumannaan ka mid ahina sannad walba ugu dhimanayaan cudurro, gaajo iyo biyo la’aan.

Inkasta oo Silva-keer aanu haysan dhaqaale waddan oo aad u badan haddana wax soo saarka dhinaca saliidda iyo hanti dawladeed ayaa la sheegaa in uu ku takri falo oo uu ku raaxaysto halkii uu dalkiisa iyo dadkiisa uga tudhi lahaa ee u tanaasuli lahaa isaga oo ku dhegsan xukunka oo ay is hayaan kooxo mucaarad ah oo iyana doonaya in ay xukunka ka tuuraan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *