Search

23-Ka November Maanta Oo Kale Maxaa Dunida Soo Maray? Qormo Taariikheed Xiiso Badan Oo Taxane Ah

23-kii November, maanta oo kale sannadkii 1824kii waa maalintii Xoogag Masaari ahi ka guulaysteen Xoogaggii Giriigga ahaa dagaalkii loo yaqaanay (Satambala) oo ahaa dagaal faraha lagaga gubtay oo muddo badan socday.
23-kii November 1890-kii, maanta oo kale waa maalintii uu geeriyooday Boqorkii caanka ahaa ee waddanka Holland, Boqor William-kii saddexaad, isaga oo u dhintay geeri kedis ah taasoo keentay in aanu wax dardaaran ah ka tagin sidaa darteedna dalkaasi soo saaray shuruuc lagu dhaxli karo boqortooyada dalkaasi Holland, maadaama aanu isagu cidna u dardaarmin dhaxalkiisa xun, waxaana sidaa lagu boqray oo xukunka loogu dhiibay inantiisii Vilhamina.
23-kii November 1940-kii maanta oo kale waa maalintii ay Xukuumaddii waddanka Romania heshiiska is-bahaysi la gashay Naasigii Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan sidaana ay kaga qayb gashay is-bahaysigii Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan ee dagaalkii labaad ee dunida isku dhinaca ahaa.
23-kii November 1964-kii, Maanta oo kale waxa wada hadal dhex maray Madaxweynihii wadanka Masar Jamaal Cabdi Naasir iyo Boqorkii waddanka Sucuudiga Boqor Faysal Bin Cabdicasiis iyaga oo heshiis ka gaadhay dagaal wakhtigaasi ka socday dalka Yemen oo ay soo af-jareen.
23-kii November 1981-kii, Maanta oo kale, Madaxweynihii waddanka Maraykanka Ronald Regan waxa uu saxeexay mashruuc Maraykanku ku taageerayo Kacaankii Contra ee dalka Nicaragua iyaga oo sirdoonka Maraykanka loo ogolaaday in ay gacan siin karaan jabhaddaasi ku kacsanayd maamulka Nicaragua.
23-kii November 1989-kii maanta oo kale waa maalintii la dumiyey deyrkii kala qaybinayay Magaalada Berlin ee Jarmalka Galbeed iyo Jarmalka Bari. Waa maalin xusuus mudan oo dayrkaasi la dumiyey lana soo af-jaray kala qaybsanaantii dadka ku wada nool magaalada Berlin.
23-kii November 1991-kii, waa maalintii uu sida rasmiga ah xilka ula wareegay Xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay Boutros Boutros Ghali oo noqday masuul carbeed kii ugu horreeyey ee xil xoghaye guud ka qabta Qaramada Midoobay waxaanu maalintaasi oo bishan November ahayd 23 maanta oo kale kala wareegay xoghayihii guud ee isaga xilka uga horreeyey Javier Perez.
23-kii November 2003 waa maalintii xukunka dalka Georgia laga tuuray Madaxweynihii Eduard Shevardnadze, kadib kacdoon culus oo ay sameeyeen dadka dalkaasi, kaasi oo ahaa kacdoonkii Ubaxa.
23-kii November 2005 maanta oo kale waa maalintii Madaxweynaha wadanka Liberia ee qaaradda Afrika loo doortay haweenaydii ugu horraysay ee Madaxweyne ka noqota dalkaasi waana haweenayda lagu magacaabo Ellen Johnson Sirleaf. Sirleaf waa haweenayda kali ah ee Madaxweyne ka ah dal ku yaalla qaaradda Afrika.
23-kii November 2008 maanta oo kale waa maalintii Xarakada Fatax ee dalka reer Falastiin ay Madaxweyne u doorteen Maxamuud Cabbaas oo ah Madaxweynaha wadanka Falastiin waxaana isla maalintaasi go’aankaasi diiday Xarakada Xamaas ee iyana xukunta qaybo ballaadhan oo ka mid ah dhulka reer Falastiin.
23-kii November 2010, maanta oo kale waa maalintii Woqooyiga Kuuriya tijaabisay in ka badan 200 oo madfac oo riddadoodu aad u dheer tahay kuwaasi oo ay ku tijaabiyeen jasiirad ay maamusho Kuuriyada Koonfureed arrinkaasi oo keeni gaadhay isku dhac dhex mara labada Kuuriyood.
23-kii November 2011 maanta oo kale waa maalintii Madaxweynihii xukunka Yemen laga tuuray ee Cali Cabdalla Saalix uu ogolaaday in uu saxeexo heshiiskii dalalka Khaliijka ee xallinta dhibaatada Yemen taasoo keentay in uu xukunka isaga tago.
…La Soco Maalin Kale iyo wixii dunida soo maray




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *