Search

20-Ka Shakhsi Ee Adduunka Ugu Saamayn Badan 2015 Iyo Madaxweynaha Ruushka Oo Kaalinta 1aad Galay!

Sannad walba marka uu sii dhammaanayo waxa la qiimeeyaa saamaynta iyo raadka ay adduunka ku leeyihiin dadka hogaamiyayaasha ah, kuwa ganacsatada ah iyo dhammaan dadka saamaynta nolosha ku leh wakhtigan waxaana qiimaynta sanandkan soo dhammaanaya ee 2015 oo bishan la soo saaray calanka u sida Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin oo sannadii saddexaad oo xidhiidh ah kaalinta koowaad ku jira halka Boqorka wadanka Sucuudi Carabiya oo kaalinta koowaad ka soo galay hogaamiyayaasha dalalka Carbeed ugu saamaynta badan isaga oo heer caalamina ka soo galay kaalinta 14aad.
Qiimayntan oo uu sanad walba sameeyo warsidaha caanka ah ee dalka Maraykanka ka soo baxa ee Forbes waxa uu qiimaynta shakhsiyaaadka ugu saamaynta badan ku soo qaataa arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin saamaynta siyaasadeed, dhaqaale iyo Bulsheed ee hogaamintiisu ku yeelato dunida guud ahaan gaar ahaanna mandaqadda uu dalka uu hogaamiyaa kaga yaallo adduunka. Kaalinta labaad ee shakhsiyadda ugu saamaynta badan dunida wakhtigan waxa ku jirta Chancellor-ka wadanka Jarmalka haweenayda lagu magacaabo Angela Merkel halka uu Madaxweynaha wadanka Maraykanka Barrack Obama fadhiyo kaalinta 3aad eek ala sarraynta liiskan. Hogaamiyayaasha Carbeed marka laga tago Booqr Salmaan Binu Cabdilcasiis oo ah Boqorka Sucuudiga waxa kaalmaha ugu horreeye dalalka Carabka ku jira Hogaamiyaha Imaaraadka Carabta oo kaalinta 39aad soo galaya, Madaxweynaha dalka Masar Cadifataax Al-siisi oo kaalinta 49aad soo galayta iyo Cali Al-Naciimi oo iska kaalinta 53aad liiskan caalamka o dhan ka soo galaya. 20-ka Hogaamiye ee adduunka ugu saamaynta badan sannadka 2015 waxa ay kala yihiin:
1. Vladimir Putin (Russia)- 63-jir
2. Angela Merkel (Germany)- 61-jir
3. Barrack Obama (USA)- 54-jir
4. Boobka Baba Françoise (Vatican)- 78-jir
5. Xi Jinping (China)- 62-jir
6. Bill Gates (USA)- 60-jir
7. Janet Yellen (USA)- 60-jir
8. David Cameroon (United Kingdom) 49-jir
9. Narendra Modi (India)- 65-jir
10. Lawrence “Larry” Page (USA)- 42-jir
11. Mario Draghi (Central European Bank)- 68-jir
12. Lee Ki Tishang (China)- 60-jir
13. Warrant Baffet (USA)- 85-jir
14. King Salman Abdulcaziz (Saudi Arabia)- 79-jir
15. Carlos Slim (Mexico) 75-jir
16. Francois Hollande (France)- 61-jir
17. Jeff Bezos (USA)- 51-jir
18. Ali Khamanai (IRAN) 76-jir
19. Mark Zuckerberg (Mulkiilaha Facbook/USA)- 31
20. Jimmy Demon (USA)- 59-jir




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *