Search

16-Ka November Maanta Oo Kale Maxaa Dunida Soo Maray? …W/T: Maxamed M. Yusuf (Ilkacase)

Maanta oo kale 16-kii Bishii November waxa dunida soo maray dhacdooyin dhawr ah oo xusuus mudan waxaanan dhawrkan qodob ka soo qaadna doonaa Maanta oo kale 16-kii November waxa dunida ka dhacay:
16-kii November 663-kii waxa dunida soo maray oo lagu xasuustaa in ay ahayd maalin dagaal adag oo qadhaadhi dhex maray Muslimiinta iyo Gaalada. Gaar haan Geeshkii Muslimiinta ahaa ee uu Hogaaminayay Sacad Ibnu Abii Waqaas, kaasi oo dhex maray gaaladii reer Furus waana dagaalkii loo yaqaanay Qaadisiya. 16-ka November waa maalintii dagaalkaasi Qaadisiya uu bilaabmay muddo dheer oo uu socday kadibna Muslimiintu ka guulaysteen Faarisiyiintii uu hogaaminayay Rustum Farkhazad, sidaana uu ku soo dhammaaday cahdigii Sasaaniyiintu.
16-kii November 1926-kii, maanta oo kale waa maalintii ay Hindida cas casi (Red Indians) iibiyeen Jasiiradda Caanka ah ee Manhattan iyaga oo kaliya Jasiiraddaasi ku iibsaday oo ku badashay Cudbi (Dun) qiimaheedu dhan yahay 24 Doollar oo kaliya.
16-kii November 1869-kii maanta oo kale waa maalintii rasmi ahaan loo furay Kanaalka (Marin Biyoodka) Suweys ee dalka Masar, waxaana wakhtigaasi furay Khadiwu Ismaaciil, xaflad ballaadhan oo maalintaasi lagu qabtay magaalada Ismaaciiliya ee dalka Masar waxa goob-joob ka ahaa madax badan oo ka kala socota dunida gaar ahaan Maraykanka iyo Yurub.
16-kii November 1907, maanta oo kale waa maalintii Oklahoma oo dalka Maraykanka ah loo aqoonsaday Gobolka 46aad ee Gobolada dalka Maraykanka.
16-kii November 1917-kii, waa maalintii ciidamo ka socda Boqortooyada Ingiriisku ay gacanta ku dhigeen deegaanka Yaafa ee dhulka reer Falastiin oo ay wakhtigaasi gacanta ku hayeen ciidamadii dawladda Cusmaaniyiintu.
16-kii November 1945-kii Maanta oo kale waa maalintii dhidibada loo taagay ee la aasaasay Xarunta Qaramada Midoobay ee Waxbarashada, Tarbiyadda iyo Aqoonta ee UNESCO.
16-kii November 1970-kii, maanta oo kale waa maalintii Madaxweynihii hore ee dalka Suuriya Xaafidal Asad uu xukunka hab Milatari ku qabsaday isaga oo wakhtigaasi ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga ee dalkaasi Suuriya isaga oo inqilaabkaasi ugu magac daray Dhaqdhaqaaqii is baddal doonta.
16-kii November 1990-kii waa maalintii xukuumaddii wadanka Ciraaq ee Saddaam Xuseen maamulayay ku qancin kari waayay dadka reer Kuwayt in kaadhkooda aqoonsi ee Magaalada Kuwayt ay u badalaan (Kuwait: magaaladii reer Ciraaq) maadaama Saddaam Xuseen maalintaasi uu gacanta ku hayay Magaalada Kuweyt waxa uu doonayay in uu tirtiro magaca Kuwayt oo uu ka dhigo magaalo Ciraaq ka mid ah balse dhammaan muwaadiniintii reer Kuwayt ayaa diiday in ay amarkaasi qaataan.
16-kii November sannadkii 2000, maanta oo kale waxa ay ahayd maalintii uu Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Bill Clinton booqasho taariikhi ah uu ku tagay waddanka Vietnam oo dagaal qadhaadhi hore u soo kala gaadhay dalka Maraykanka. Clinton ayaa 16-kii November 2000 ka degay garoonka diyaaradaha ee Havana booqasho taariikhi ah oo bog cusub u furtay xidhiidhka Maraykanka iyo Vietnam.
16-ka November sannad walba maanta oo kale waxa dunida laga xusaa xuska Maalinta Is- Cafinta ama saamaxaadda, waana maalin qaramada Midoobay u astaysay in dadka lagu baraarujiyo is cafinta. Waxaana maalintaasi xuskeeda ku dhawaaqday UN-ta.
…La Soco Maalin Kale Iyo Dunida Wixii Soo Maray oo taxane innoo noqon doonta




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *