10 Xarumood Oo Ay Lahayd Xawaalada Dahabshiil Oo Maanta Xarakada Al-Shabaab Albaabada U Laabtay

Muqdisho (Foore)-Waxa maanta albaabada u laaban 10 xarumood oo ay lahayd shirkada Faca weyn ee Dahabshii tasoo amar dul dhigayn kooxda shabaab oo weli ka arimiya qeybo katirsan Gobolada dalka soomaaliya.
Kooxda shabaab ayaa u kag satay arimo farabadan oo shabaab lidi ku ah ayadoo war qoraal ah kasoo saartay shirkadaasi kuna sheegtay in ay ka tilaabtay shuruucdii wilaayada shabaab u yaalay ee ganacsiga islaamiga.
Warkaan qoraalka ah oo maalinimadii shalay lagu shaaciye Page ee leeyhihin kooxdaasi ayaa lagu sheegay in Shirkadaan ay qabatay waxyaabo ay qaban jireen hay ado shisheeye oo dalka ka mamnuuceyn kooxda shabaab aksoo lasheegay in lidi ku tahay shabaab.
Degaanada saake laga xiray shirkada ayaa kala ah Gobolada Baay, Bakool, Hiiraan, oo hoos imadaanDegmooyinka Xudur, Waajid, Tiyeegloow, Rabdhuure, Diinsoor iyo Ufuroow, waxaana lagu wargeliyay dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas ay adeegyadooda xawaaladeed ka heli karaan shirkadaha kale ee xawaaladaha ka furan deegaanadaas.
Go’aanka lagu xiray Xarumaha Shirkada Dahabshiil ayaanan saamayn ku yeelanin deegaanada Shabaab ee Gobolada sida Gedo, Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Shabeellada dhexe, Galgaduud iyo Mudug, maadaama qoraalka lagu sheegay in xarumahaas aanay jirin wax lug ah oo ay ku leeyihiin arimaha lagu soo eedeeyay Xarumaha shirkada ee ku yaalla Hiiraan, Baay iyo Bakool.
Ugu danbeyntii waxa weli war ah oo ka soo baxay Maamulka sare ee Shirkada Xawaalada Dahabshiil oo ku aadan eedeymahan iyo shaqa joojinta lagu sameeyay qaar ka mid ah xarumahooda Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya
Wariye:-Kamaal Sh Ismail
Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *