“Xukuumadda Somaliland Qofkii Xajaya Ee Xamar Ama Maraykanka Baasaaboor Ka Soo Qaata Dhibaato Uma Gaysanayso”…. Taliyaha Laanta Socdaalka

Hargeysa (Foore)- Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf, ayaa xaqiijiyey in aanay wax dhibaato ahi ku jirin in qofka reer Somaliland ee Xajka tagayaa uu Xamar u doonto Baasaaboorka Somaliya.

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland, waxa uu sheegay inay xafiiskooda ku bixiyaan baasaaboorka Somaliland, laakiin qofka Xajaya halka uu doono ka soo qaadan karo baasaaboor sharci ah oo uu ku soo Xaji karo.

Taliyaha oo u waramay telefiishanka Madaxa-banaan ee HCTV ayaa isaga oo ka hadlaya joojinta dawlada Sucuudiga ee baasaaboorkii hore ee Somaliya yidhi “Waxaan ogahay in baasaaboorkii Cagaarka ahaa ee Somaliya ina dhaxeeyay dawlada Sucuudigu diiday in lagu Xajo, taasoo dhibaato ku keentay dadkii Xajayey sanadkan, laakiin anagu (Laanta socdaalka) halkan waxaanu ku bixinaa baasaaboorka Somaliland oo socda cidii lagu caqbalo iyo cidii aan lagu aqbalinba”

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in aanay dhibaato ku jirin in lagu Xajo baasaaboorka cusub ee Somaliya, isla-markaana ay qofkii doonaya inuu Xamar Baasaaboor u doonto si uu ugu Xajo ay u fududaynayaan “Waxa la yidhaahdaa baasaaboorkii Somaliya ayaa lagu Xajayaa, haddii lagu Xajo waxa uu la mid yahay baasaaboorada adduunka kaleba ku Xajo, waayo baasaaboorku waa dal ku gal, maaha wax sinjiyada ruuxa guuriya”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo dadku hadal hayaan sida Xajkan loogu taggayo (Baasaaboorka), horta way Xajayaan waxay doonaanba haku tagaane, xukuumadda Somaliland-na qofkii Xajaya ama Xamar baasaaboor haka soo qaato ama Maraykane ee haysta dal ku gal sharci ah dawladu way u sahlaysaa, dawladuna wax dhibaato ah uma gaysanayso, waayo Ilaahay dartii ayay u socdan”

Hadalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii todobaadkii hore golaha wasiirrada xukuumadda Somaliland isku raaceen in baasaaboorka cusub ee Somaliya laga ogol yahay Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *