BREAKING NEWS
Search

“Waxaan qirayaa in aanu dhakhligeenu aanu ku kordhi karayn cashuurtoo la kordhiyo oo kaliya”

Hargaysa (Foore) Qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland, ayaa shalay hadhimo sharafeed ku soo dhaweeyay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda Md. C/casiis Maxamed Samaale. Casiimadan oo shalay ka dhacday huteel Ambasador ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah ganacsatada waaeyn ee dalka.

wasiirka wasaaradda maaliyadda, wasiirka wasaaradda kalumaysiga, Md. C/laahi Cismaan Geel Jire iyo saraakiil ka socotay wasaaradda maaliyadda. Martiqaadkan ayaa ujeedadiisu ahayd in wasiirka looga xog waramo xidhiidhka u dhexeeya wasaarada maaliyadda iyo ganacsatada.

Xubnaha ganacsatada ee klan kaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaa wasiirka cusub, isla markaana ay la shaqaynayaan ganacsatada. Cabdi Faarax oo kulankaasi ka hadlay waxa hadalkiisa ka mid ahaa, “Waxaanu diyaar u nahay in aanu kula shaqayno, anagu haddaanu nahay ganacsatada marti qaadkan aynu iskugu nimi maha in aanu ku leenahay cashuurtii wax naga dhin, waxaanu kuu sheegaynaa in aan si buuxda kuula shaqaynayno diyaar kuu nahay, wixii halkayaga ku xuna kula qabano,” ayuu yidhi.

Ganacsatada ayaa sidaa oo kale sheegay in wada tashi ay ku salaysnaato cashuurta la kordhinayo waxaanay tilmaameen in aanay cashuur la kordhiyo oo kaliya aanu dhakhli ku kordhin, waxaanay ganacsatadu wasiirka u soo jeeidyeen in dib u eegis lagu sameeyo cashuuraha tagliifeedka lagaga qaado, canshuuraha dhoofka xoolaha.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Md. C/casiis Maxamed Samaale oo kulankaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay ganacsatada martiqaadka ay u fidiyeen waxaanu sheegay tabashada ganacsatada waxka qaban doono intii suurto gal ah, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa, “Waxaan ogolahay ganacsatadu ay waxyaabo badan ay tabanayaan oo wasaarada ay ka tabanayaan ama xukuumadda aad iyo aad ayaan u ogahay, intii karaana waxaan isku dayi doonaa in aan isku xidho xukuumadda iyo ganacsatada ama guud ahaan shacbigeena,” ayuu yidhi wasiir Samaale,

waxaanu intaasiku daray “Isfahanka, is ixtiraamka iyo isku dul qaadashada iyo wada tashigu waa mafaatiixda wax kasta oo adag, jab rodhi ah oo qof kala jabsanaysa haddii waaji xun aad kaga doonto waxa laga yaabaa in dagaalka dhacdo, dhanka kalena waxa laga yaabaa in maalaayiin dadka jeebkiisa ku jirta inuu si wanaagsan ku bixiyo, waxaan idiin balan qaadayaa wadatashi waxyaabaha qaarkood ama idin ku adkaa ama ina dhexyaalla ayuu ku dhamayno oo aanay noqon amar aanu dusha kaga sooridno oo khasaba aanay noqon, laakiin wada tashigu ka horeeyo.”

“ Waxaan aamin sanahay oo qirayaa in aanu dhakhligeenu aanu ku kordhi karayn cashuurtoo la kordhiyo oo kaliya, laakiin waxa uu ku kordhaa waxyaalo badan oo dhaqaalaha la xidhiidha oo ay ka mid tahay cashuurta oo la dhimo mararka qaarkood wuu ku kordhaa”, ayuu yidhi wasiir Samaale.
Kulankan ganacsatada dalka ay ku casuumeen wasiirka maaliyadda ayaa noqonaya markii ugu horaysay oo ay casuumeen wasiirka cusub ee wasaarada maaliyada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *